Q O R A A L

 Karbaash (Haye)

  C a l a k o

 

 

 

 

 

 

 

 

Samatar Dakharre

HJ - Reer Yoonis C a l a k o



Gabaygan oo aan qaybta ka hadhay dhawaan idiin soo gudbin doonno wuxuu abwaanku (IHUN) ugu jawaabayey ninkii Majeerteen ee Silsiladdii Maruuryo (Hurgumo) bilaabay 1978kii.

Majeerteen cawaan buu noqdiyo caano galabeede
Sidii calako lala guursaday, camal wareereene
Ma Cayuun harraadoo kalaa, caban ogaa duulku
Ma carsaanyadii baad tihiin, gees walbuu carartay.

Idinkoo calanka keligii xukuma, caawiyena
(1) haysta
Waataad callaafti badda, iyo ciin u kariseene
Ma Cirraa
(2) ka fiicnaa Rashiid(3) , waydinkii cunaye
Ceelkii Hargeysiyo Berberi, ma cid la'aadeene
Caasimad kamaanaan dhigneen cooshadii xamare.


__________________
1. Caawiye = Hub, saanad
2. Ciro = Ninkii hoggaaminayey inqilaabkii 1978kii
3. Rashiid = Cabdi Rashiid C Sharmarke.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com