SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Ma anaa

Sheikh Ismaciil Axmed "Ismaaciil Kolan", (HJ).

Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene
Ma
anaa wadaadkii ku diray dunida laaynaayey

Waa tuu dariiqadda makiyo diin u haajireye
Isagoo derderan ma anigaa dib uga soo laabay
Dekeddii Berbera ma anigaa dalaq ka soo siiyey

Baduu soo dul maray ma anigaa doonnida u geeyey
Dafdaftuu layimid ma anigaa dabajintii geestay
Jiidali ma anaa deg idhi degelladuu saantay

Docmo iyo Nugaal ma anigaa daaro ka ekeeyey
Derbiyaduu rakibay ma anigaa dul iska saarsaaray
Maa anaa fardaha duulaya iyo daabbadaha siiyey

Ma
anaa colkii soo dunnaa, dowga marinaayey
Ma
anaa raggii degelkan yiil didiyey geelooda
Deris iyo laftiba reer Isaaq dakharraduu yeelay

Daaroodka maanaa ka dhigay dooxata miidhan
Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene

Mar
haddaanay dux iga qaadihayn dirdirayntoodu
Ninkastaa dannaanni ha shubee danu bax soow maaha

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com