|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
   

  D  E  E  L  L  E  E  Y

 
  :: SILSILADDII  -  DEELLEEY

Silsiladda "DEELLEEY" oo curatay dabayaaqadii 1979 waxay ka hadlaysaa wacyigii iyo waayihii markaa jirey Dalka Somalia. Waxay ahayd dareen xalaal ah oo abwaaniinta somalia markaa ugu caansanayd qaarkoodu ay dareenkooda ku cabbirayeen cawaaqibxumada ku soo fool leh dalka Hooyo ee hororrada gacanta u galay. Ayagoo aan ka baqayn xadhigii iyo dilkii caadada u ahayd dhiigyacabkii "Afweyne" ee markaa talada dalka boobay ayay abwaaniintu tiriyeen maansadan Deelleey oo ku ku wajahnayd turxaanbixinta mushikiladda
qabyaaladeed ee uu taliskii macangagga ahaa ee "Afweyne" horseedka ka ahaa. Waxay silsiladdu ahayd dareen wadaniyadeed oon ku salaysnayn eex iyo qabiil eedays balse ka digaysay in haddii aan tabaha dibindaabyada ah la beddelin Somali meel dheer laga dooni doono.
Suugaanta taxanaha ah waxa bilaabay abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac oo ku magac dheer "Gaarriye". Gaariye oo ah suugaanyahan aqoon yahan ah wuxu daaha ka rogey qabiilkii ay huursanayeen qudhun-ku-noolka Afweyne iyo qawlaysatada uu ku qadhaabto ee qabiilka la shegata. Bulshada wuxu ruux kastaaba kaga jiraa "role" uu haddii uu ka baaqdona wiiqa haddii Eebbe ku beegana badbaado u noqota inta kale. "Gaarriye" oo ah abwaan muwaadin ah waxay la noqon weydey inuu daawado in kooxyar oo boob
ku qabsaday maamulkii dalku ay dalka iyo dadkaba haadaan ka tuuraan.

Maansada "Deelleey" oo ay ka qayb galeen in ku dhow 50 abwaan waxay isu rogtay dagaal ka dhex abuurmay abwaannada dadka iyo dalka u doodistiisa duubka u xidhay iyo koox dib-ka-naaxyo ah oo difaacayey daaquudkii "Afweyne". Illeen meel bugta iyo far baa is oge, waxa durbadiiba suugaanta dillaacday damaqday duulalkii denbiilayaasha ahaa ee sida dufan-jecesha
hareeraha ka leefayey booliga qaranka. Kooxdaas oo magac Daarood kula saftay daaquudkii "Afweyne" iyo dibindaabyayntiisii waxa ka mid ahaa Singub, Yamyam, Cali Cilmi Afyare, Idaajaa iyo kuwo kale oo maanta dadka Soomalida ku haasaawiye qiiro waddani oo been ah laabtana aan ka jirin.

 
 
  Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
..................Gaarriye
 
Kooxahaas dulmiga Afweyne u dannaaniyey waxay 12 sano ee la soo dhaafay taagan yihiin goobaha la lee yahay waxa lagu heshiisiinayaa Soomalida taasoo kuu caddaynaysa in iyaga iyo dadka wax ka dhegeystaaba ayan ahayn dad daacad ka ah danta qaranka islamarkaana aan meteli karin Soomaalida xalaasha ah ee ay Afkooda kaga hiiliyeen markay u hiilkooda u baahnaayeen.

Yamyam ka lagu sheego oo isagu ah Caada-qaate ma xishoode ah wuxu ahaa ninkii intuu farxad is hayn waayey maansada aan kalkeed gelin curiyey markii Afweyne uu Ethiopia u saxeexay geyiga Soomaali Galbeed. Waa Doofaarkii markii Afweyne hubkii iyo Ciidankii qaranka kula ciiray Somaliland geeraarrada digashada ah tiriyey oo sidii Doofaar dhergey oo beri iyo waxa iman ka diimmoon ku dinnaahyeeyey, afarrey aanu ab u lahayna kula ciiray qaranka Isaaq ee yuraynayey waraabihii Afweyne oo isaga iyo qolyaha raacsani ay u aabbe iyo hooyo ahaayeen/yihiin qaranka Somaaliyeed ee burburkiisa beesha caalamku ka wareertay.  Geeraaraddiisii oo aan sannad dhaafin waa kii Daaquudkii uu qabiilka ku raacay la iska kaba raaciyey isagiina uu sidii neef jir helay oo hoganaya uu maganta u noqday mannaxayaashii dalka ka cayrshey daaqiidkii Afweyne.
 
       
       
       
       
       
       
       
    Waa Socotaa.....  
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com