|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Cabdilaahi  Sogob

Qofkastoo u dhashay qaaraada arfrika dareenkiisa kama foga inuu is waydiiyo sababaha kaanay
inay afrika noqoto tan ugu liidata xaga horu marka qaaradaha aduunka, sadaas darteed waxan curiyay maansadan

 

 

Ishu shay dalleeliyo

Meel debeda yaaloo

Duhurkii u muuqdooy

Daalacato mooyee

Kuma garato daymada

Arrimaha dahaadhkiyo

Lagu xidhay daboolkoo

Gudcur daaha soo roggay

Kuma daadahaysee

Anoo daayay maansada

Wax damiirku neceb yahay

Marka aan dareemaay

Debnahaygu xadayaan

Dacarta igu shiddintoo

Nabaraka I damqanayaan

Ku day qalinka leeyahay

Bal inuu dabiibee

Afrikay dulloowdee

Daayacan ismoogeey

Maxaa doqonta kaa dhigay?

 

Dooxooyinkaagii

Haro daafta joogtiyo

Webiyaal dawaafiyo

Inkastooy daruurtiyo

Danbasamaha ku onkoday

Daadka isu celiyaan

Dabaylaha wax qaadiyo

Duufaanna soo marin

         Ciidduna diyaar tahay

Dalag lagama beertoo

Dumarkiyo caruurtii

Gaajaa ku dubatoo

Da’yaratii kacaysee

Bal inay wax doorshaan

Ku dadaali laabaa

Darxumo ugu liicdoo

Dad ahaanta mooyee

Niman ay dub iyo diir

Kala durugsanyiinoo

Toodii dabaraybaa

Qamandida u daadshoo

Ma cunaan dameeruhu

Daafida gabowdee

Door roonahaagii

Deeq looga dhigayoo

Weli geesi daranoo

Gacmo hoorsi diidaa

Muu shidin dabkaagee

Afrikaay dulloowdee

Dayacan ismoogay

Maxaa doqonta kaa dhigay.

Deris nabad ahaadiyo

Dablamaasinimadiyo

Isku duubni guudbay

Ku jirtaa dantaaduye

Haddii ay duruufuhu

Daldaloolo keenaan

Niman aan dagaaliyo

Isku duula mooyee

Dejiyaay aqoonbaa

Kugu duubtay qoortoo

Danyartiyo fiqiirkii

Marka horaba diiftiyo

Dakharadu ka muuqdeen

Iskusii diraayoo

Hadba duubi jarayee

Afrikay dulloowdee

Daayacan ismoogay

Maxaa doqonta kaa dhigay

 

Xilka dawlad nimadana

Hadba kii la doortee

La yidhaa dalka u tali

Dib wuxuu u laadaa

Daartaba salaankuu

Ugu baxay dusheedoo

Inkastuu dabaal yahay

Dubta beerka caydiga

In la diido ma ogola

Isna sooma digeeyee

Mid kaloo degdegayoo

Isagugaba ka darranoo

Shaxada uu degaayaa

Keligii dawaysaa

Dube gacanta ugu jira

Meeshaba ku dumiyoo

Haddii aan dakano dhicin

Xukunku isma doorshee

Afrikay dulloowdee

Daayacan ismoogeey

Maxaa doqonta kaa dhigay

 

Inta doolar adigiyo

Dayn lagugu leeyee

Kii horroon dab loo ahay

Dibir iyo nin liitoo

Danyar xooleheedii

Foolxumo dillaalaa

Hadba soo dalbanayaan

Weligood dad iyo maal

Midna doogsan maayoo

Dabaran weeye xaalkuye

Afrikay dulloowdee

Daayacan ismoogeey

Maxaa doqonta kaa dhigay

 

Kumanayaal dayooboo

Dalandoolka geeddiga

Debadaha u yaacoo

Dool kaaga maqanbaa

Dib inay u laabtaan

Dawarsiga shisheeyaha

Dalla’sada ka jeceloo

Waxay duunka ku hayaan

Naftu diidaysaa weli

Dalanbaabi socodkii

Dibindaabyadii shalay

Iyagoon dabaal baran

Tuug daabulaysiyo

Doonyahaa u geeysee

Afrikaay dulloowdee

Daayacan ismoogay

Maxaa doqonta kaa dhigay

 

Aadmiga distooriyo

Hadaan diini kala xidhin

damac waa walaaloo

Ogobeey dugaagiyo

Duurjoogta yaacday

Isku darajo yiinoo

Lama kala danbeeyee

Naftuu daayinkeen yidhi

Dulmi loo badheedhiyo

Haddii duudsi lagu dilo

Duniday ka culustahay

Cidi kuma daryeeshoo

Ninka dhiiga daadshee

Ruux aan  danbiba gelin

Daldalaad ku qaadaa

Dallacaad mutaystee

Afrikaay dulloowdee

Daayacan ismoogeey

Maxaa doqonta kaa dhigay

 

May kaa da’waynayn

Ummadaha dayaxa iyo

Cirka meel dusheena ah

Ka samaystay dawgee

Maskaxdii darabantee

Dugsiyada aqoontiyo

Cilmi loo diyaarshaa

Doolaalo dheeeroo

Meel durugsan gaadhee

Waadigan adduunyada

Ugu wada danbeeyee

Kaba sii daraayee

Maye danabadaadii

Dala’siga maxaa badday

Halka ay ka dilanyiin

Madax-daalis weeyee

Mayagaan duriyadiyo

Dirkii Aadan soo galan

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com