Annaga Caanannuug baa fadhiya, caadadii boqore
Weligii wadaan ceel ma darin, ceebse muu dhimine

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
 
Tarabbi Oogle(HJ)
Gabaygan wuxu Tarabbi Oogle, Alla ha u naxariistee, kaga cabanayey mid ka mid ah cuqaasha reer Yoonis oo la yidhaahdo Caanteynle;

Maantaan cirroobiyo, anoo canug yar oo wiila
Cismaan Yoonis waw koow, masuul col u kaxeeyaaye
Aw Yuusuf waa ciil qabaa, cidise waa mooge

Rabbi baa i caynshee, anigana ima caqiibayne
Annaga Caanannuug baa fadhiya, caadadii boqore
Weligii wadaan ceel ma darin, ceebse muu dhimine

Ina Cumarna Reer Yoonis, waa ila cabsiiyeene
Ma nimuu casuumaan tolkii, caawa lagu haynin
Cadhoolena, Kalluunlaa beddeli cidi ma eegeyne

Ciilow ba'eey wiil nabsaa, noo cimaamadane
Haddi adan tolkaa cudud ka wadan celisa maangaabka
Cagmarooje oo kaleba waa, idin canbaarayne
 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com