| |
Axmed Cali Abaar , Eebbe ha u naxariistee, wuxuu ahaa
abwaan gabayo badan leh oo aabihiisna ku caanbaxay gabayada
Geela. Gabaygan aannu 4-ta tuduc ka hayno wuxu abwaanku tiriyey
abaartii Dabadheer ee dhul ka mid Somaliland iyo badhtamaha
Somalia saamaysay.
Waqtiyohow wareerkaan arkiyo, wahanka
noo keenay
Waqtiyohow woqooyiba raree, webiga dhaafsiiyey
Waqtiyohow walaalaha is jecel, kala wadeeceeyey
Waqtiyohow ninkii waran lahaa, habarta weydaarshey
Waqtiyohow wixii gaal wacnaa, ruushka nagu waalay
Gabayo googoos ah oo aannu beyd-beyd ka hayno uuna lee yahay
abwaankii Axmed Cali Abaar
1. Waagii Ina Xaaji Ibraahim Cigaal Ra'iisal Wasaaraha dalkii
Somali Republic ka noqday ayaa nin Ciise Muuse ahi yidhi;
Hitler baan ka ahay lokarka iyo hoyga tuurta lehe
Mar haddaan hannaankii qabsaday waa halkaan wadaye
Hanka Ciidagale, Arabka wayskaga hawoodaaye
Habaryoonis hoosadan Berbera ka hadli maayaane
Haddayse hugunto Muuse Cabdallaan huguf u tuuraaye
Hanbadaannu siinnaa dhammaan Habar Xabuusheede
HandharanLeben, Gadabuursi iyo Ciisena waa horaan hiraye
Axmed Cali Abaar ayaa gabaygaas ka jawaabay oo isagoo
raddiyaya ninkaas yidhi,
Wixii harag madoow bay Berberi hooyadood tahaye
Harti iyo Isaaq uumiyaha haan walba u jooga
Ninbaa yidhi anaydiin hitleree ii hoggaansamae
Hanka Ciise Muusuhu wataan waan hortaagnahaye
Afka kama hadline meel kaloo huguntay weeyaane
.............Kanna soo dhammee
Ha i waalin waayaha raggaan kaaga weynahaye
............Kanna soo dhammee
Adoo timir xamaalaaya, taana la arkeeye
.............Kanna soo dhammee
Muxuu tarayey Timirkii raggii tegayey sii raacay |