Jaamac Cali Abaar

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
   Jaamac Cali Abaar (Woodhaq)
 

Axmed Cali Abaar , Eebbe ha u naxariistee, wuxuu ahaa abwaan gabayo badan leh oo aabihiisna ku caanbaxay gabayada Geela. Gabaygan aannu 4-ta tuduc ka hayno wuxu abwaanku tiriyey abaartii Dabadheer ee dhul ka mid Somaliland iyo badhtamaha Somalia saamaysay.
Wakhtiyohow waqooyiba raree webiga dhaafsiiyay
Wakhtiyohow waddada saanigaa nagala weecweecday
Wakhtiyohow walaaciyo dhibtiyo wahanka noo keenay
Wakhtiyohow tukaha waaqle iyo haadku nagu weehday


Wakhtiyohow waraabaha na cuna nooga dhigay waalid
Wakhtiyohow ninkii warac ahaa habarta waydaarshay
Wakhtiyohow wax-gardkii arliga cadho wareersiiyay
Wakhtiyohow wadaadada dilee diinti laga waashay


Wakhtiyohow ninkii waayo yidhi woofka laga toogtay
Wakhtiyohow waxyiga soo degiyo weliga noo sheegatay
Wakhtiyohow hablaha tii wacnayd weelki ka xumeeyay
Wakhtiyohow nin iyo waalidkii wiishku kala tuuray


Wakhtiyohow na waanjeeciyee nagu wareegaystay
Wakhtiyohow walaalaha is jecel kala wadeeceeyay
Wakhtiyohow wixii gaal wacnaa ruushka nagu waalay


Wakhtiyohow bu'aalena camiray beera cid u waayay
Wakhtiyohow inaad nagu wadayso iyo inaad naga wareegayso
Waa inaan waraaq ka helaa wiigan dabadiiye.

Gabayo googoos ah oo aannu beyd-beyd ka hayno uuna lee yahay abwaankii Axmed Cali Abaar
1. Waagii Ina Xaaji Ibraahim Cigaal Ra'iisal Wasaaraha dalkii Somali Republic ka noqday ayaa nin Ciise Muuse ahi yidhi;
Hitler baan ka ahay lokarka iyo hoyga tuurta lehe
Mar haddaan hannaankii qabsaday waa halkaan wadaye
Hanka Ciidagale, Arabka wayskaga hawoodaaye
Habaryoonis hoosadan Berbera ka hadli maayaane
Haddayse hugunto Muuse Cabdallaan huguf u tuuraaye
Hanbadaannu siinnaa dhammaan Habar Xabuusheede
HandharanLeben, Gadabuursi iyo Ciisena waa horaan hiraye

Axmed Cali Abaar ayaa gabaygaas ka jawaabay oo isagoo raddiyaya ninkaas yidhi,
Wixii harag madoow bay Berberi hooyadood tahaye
Harti iyo Isaaq uumiyaha haan walba u jooga
Ninbaa yidhi anaydiin hitleree ii hoggaansamae
Hanka Ciise Muusuhu wataan waan hortaagnahaye
Afka kama hadline meel kaloo huguntay weeyaane


.............
Kanna soo dhammee
Ha i waalin waayaha raggaan kaaga weynahaye
............
Kanna soo dhammee
Adoo timir xamaalaaya, taana la arkeeye
.............
Kanna soo dhammee
Muxuu tarayey Timirkii raggii tegayey sii raacay

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com