WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Xaaji Dallaayad

Xaaji Dallaayad, (HA)


Gabaygan wuxu Xaajji Dallaayad ka cabanaya ninkii kibirka badnaa ee la odhan jiray Carab Dheere, ee uu Ismaaciil Mirana gabayga u tiriyay ayuu isna gabaygan u mariyay. Ninka waxa la odhan jiray Maxamed Xassan oo dalka Ingriiska wax ku soo bartay booliisna u ahaan jirey isticmaarkii Ingiriiska ee fadhiyey magaalada Hargeysa sanadkii, 1956 kii .
  Nin haduu gaboobo uu wax badan dunida guud joogo
Gadaal buu ka haasaawi jirey geediguu maraye
Gebgeb Ferenji gaadh iyo dedaal gaalo camalkeeda

Abidkiiba guul kalama tago nin u gadh xiiraaye.
Inta inan golyeed iyo nin raga tan isku soo gaadhay
Ee gaadhba gaadh naga bedeley goorahaad timiye

Ninkuu guun ciraystay iyo bideba khayr ka guriwaayey
Waayona garawgii ku cunay jeelkan gudihiisa
Waayona garnaylkii ku sigay gobobkan hoostooda

Is goofaadhintii Caarshe iyo gobodi Caateeye
Ee garanayaan ahay tan iyo Geele haad qoyey.
Gashi laysku sheegtiyo ninkaan godobi qaaxaynin

Ee aan geeridii Aw-darwiish guudka laga saarin
Ee aan sidaa Geydhe Ruxe gubanin jaahiisu
Geestii uu doonaba khalqiga wuu ku gelayaaye

Gidigiinba nimanyahaw bileys gebi ahaantiinba
Hala guro ulaa waa gudoon waase kala gaar
Gaadmiyo ninkaan lagu tuhmeyn gacan fudayd-toona

Ee genna tukubihiisa waa lagu gargaaraaye
Geed baas mid laga keenay iyo garac xun mooyaane
Ma gilgilo duqaytida ninkii uu ka soo go'aye

Cir galgaaley iyo dhulkoo goosi laga waayey
Gudintiyo hangoolada markii guunyo lagu daajey
Dhirtaba qaar malko ah baa jiriyo lama garaacaan

Dadkuna bir mageyduu leeyahay iyo lama guhaadshaan
Sidii baar-qab geel lagu daroo dhibi ku giirgiirtey
Oo geedka Awr daaqo iyo guuxa saninaaya
Oo karinle uu galab eryiyo rimay ka guuleystey

Uu bahal gulaan oo dibjiri meel isugu gaabshey
Uu gudub u riday waa kasyare galabsigiisiiye
Dhaaxuu mid goolaaftamay oo goofay nooyimiye
Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadii.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com