Q O R A A L

 

Sanqadh gu'

Mayagaa filayey

 

 

 

 

 Xasan Dalab

  HJ - Uduruxmiin

Somali Poetry

Gabaygan waxaan ka qoray Moxamed Caabi 28/01/2012, wuxuuna ii sheegay inuu ahaa waqtiyadii Dagaalkii In Cadalla Xasan socdey;

Muuse Carre fooqii Rabshiga, wuxu u fuulaaba
Fuluus uu ku faylamo wuxuu faraqa buuxshaba
Furaashkooda niman baa u hadhi, mayagaa filayey!

Xiis daarihii lagu filcay, ee feydo lagu yeeshay
Innagoo fiyow oon rag kale, la isku food saarin
Fidho iyo habaas baa ka kici maynagaa filayney!

Warsangeli fallaadhiyo buntukha, waxuu la fiigaaba
Waxuu innamo feeyigo u diro, feydan kari waaye
Inuu Ferenji qaylada u diro mayagaa filayey!

Tuurwaa falaadkuu hayey, iyo falahtankii Booca
Fankii Ceeriyeed bay ka madhan mayagaa filayey!

 

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

 

 

 

 

 


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com