Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xaye Galaydh(Idagala)
 

Geel Deyr raacay oo beelo H.Y lahaayeen ayaa u galay Ogadeen oo ka dib qaadeen, Ogaadeenkii ayaa waxa helay beelo Ciidagale ah oo ragna ka laayey geeliina kala hadhay. Markaas baa lagu murmay nimankaas Daarood ciday ahaayeen qaar baa yidhi waa Ogaadeen qaarna waxay ku tilmaameen Dhabayaco, oo raggi geela laga dhacsaday waa la garan waayay. Markaas ayey niman gabyaa ah oo Ciidagale ah gabayo ka tiriyeen dhacdadaas. Cabdi Gahayr baa u horeeyay oo nimankaas Daarood nasabkooda aan la hubin wax ka sheegay kana mid ahaayeen tuducyadan:

Daaroodka qaar baa midgaa lagu masaalaaye
Moofada kadiirka ahna qaar baa maalintii cuna'e


Xaye Galaydh ayaa isna ku xigay oo geeraarkan isna mariyey, wuxu yidhi Xaye:


Hadii aw gariiroo
Gulaamooyinka hore iyo
Kolba geelyaamo keeno
Inu geedaha ka guuroiyo
Guban maalku ka daaqo
Miyeydaan garneynin?

Ragna haduu gar ismodo
Oo gole lagu mugdeeyo
Inaad guul kala soocdo
Inta xeerka ku guusha
Gudoonshu kala saaro
Miyeydaan garaneynin?

Haduu aarku godoodo
Oo gabnahiisa la laayo
Oo goor habeen ah jibaaxo
Galaayuuska liqaysaiyo
Innu guudka ka fuulo
Ninku gaadhay ma noola
Iyo innu gaabad dhigaayo
Miyeydaan Garaneynin?

Guntayoo iska dhaafaye
Malinttii Goco-Welhed
Kayn gahayr iyo saar le
Xeryaa looga gadaamay
Iyo gulaankii lagu foofshay
Golooftu eryanaayay iyo
Qaalmii gaboobay iyo
Oo garuum iyo kaliishiyo
Gooni layskugu oodo
Oo waa gal duulan yaaqane
Gaardiyaaya dhexdeeeda
Kuwii gool labankeed
Iyo ganuunkii dhadhamaayey
garigay u sitaan iyo
Inu gaato sareeyo
Miyeydaan garaneynin?

Guntayoo iska dhaafaye
Kolku waagu guduudto
Ee gabnnaa loo ubateeyo
Ee guranteedii candheeyey
Gees ka soo wada jeedo
Inu gaws dhalaanada boobo
Nin gurguurta iyo tuugu
Gaad adigoo xada mooyee
Sideebuu Garxajis
Nin guuto u soocay
Gorgorkoo cuna mooyee
Intu guul kala hoyadu
Guriga u tagaa?

 
 
     
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com