Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xaye Galaydh(Idagala)
Horaantii qarnigii hore (1904) mudo lagu qiyaaso ayaa waxa dhacay weeraar u ku qaaday Wadaadkii Waalnaa iyo budhcad u watay reero Ciidagale ah. Weeraarkas waxa loo yiqiin "Dayax Werrar" goor habeenimo ah bay ahayd iyo dagaal dhuumasho ah. Goobtaas Wadaadku wuxu ku qaaday geel ilaa 200 oo halaad ah.

Geelii wuxu kala talaabay Shabeele oo Ogaadeen (Ammaadin)Suldaankooda ayuu Ina cabdilaahi Xasan gabadh ku weydiistay. Suldaankii Ogaadeen ayaa diiday geel ana ahayn geelii Ciidagale laga soo dhacay inu gabadha yarad uga qaato. Wadaadkii waa kala dardaarmoo wuxu yidhi Ciidagale geela waa ka daba iman doonaane geelaa kale qaado. Suldaankii Ogadeen baa yidhi "Ciidagale oo Shabeele noo dhexeeyo halkay ii soo mari " geelii sidaas buu Ogadeen ugu gacan galay.

Ciidagale waxay geellii daydayaanba mudu ilaa 8 sanadood ka dib ayuu nin "Kabadhe" ka ahaa caradaa Ogaadeen oo Ciidagale ah ayaa geelii soo helay oo la odhan jiray Maxamuud Ducaale. Maxamuud oo ahaa nin aad u gaaban, ayaa Ciidagale u waramay se wuxu ku xidhay shuruud ah inay geel-qaadkaas Abaanduule uga dhigaan isaga oo ah ninka Ciidagale ugu gaabnaa, sidii baana loo yeelay . Geelii Webiga daashiisa baa laga soo qaaday Ogaadeenkii , 200 iyo 1000 kale oo dheeraad ah. Geeraarkan dheer ayuu Xaye Galaydh mariyay ka dib markii geela la soo qaaday isagoo kana mid ahaa gaaskii geela soo qaaday. Xaye geeraarkan wuxu kaga sheekaynayaa meelahay geela la soo mareen oo dhan iyo goobaay ku jareen Ogadeenkay geela ka soo maroorsadeen. Geelaas wuxu ahaa geelii la magac baxay "Caalya".
 

Geeraar waa nin godkiisiyo
Garanaaya higaadiiyo
Nin libaax ku gullaalo
Gabi oodan jafaayoo
Sidii goodir haraadoo
Aar gabnni laga laayoo
Goortii Aadmigu seexday
Guux hadaan ledi waaye
Afartaan isu geeyey
Maan golaaana ka sheego

Iyadoo gallimaadiyo
Naloo geeystay waxyeeloo
Oo gogoshii qaban weynay
Kuwii soo gatay moodka
War ma la noo galbiywwnoo
Faqi noo go'ay maanta
Faran geela ku raagiyo
Gadaanley wada buuxdiyo
Ma la gaadhnay sibraarka

Geeddigii u horeeyey
Goolmadooobiyo Quus
Galabtii ma marnay

Geeddigii ka dambeeyay
Daroor maw gudubnoo
Geela mawgu qalnay

Geeddigii ka dameeyay
Colkiiyoo kala giigoo
Xaajadii gudahiisa
Ninba meel ka goldoonay
Guurtidaanu u soocniyo
Garyaqanku ma fiirshoo
Geesigii maxamuud
Guddoonkii ma ku deyney
Gaashaan dheeg wiyileedloo
Ma guud saarnay caleentoo
Sidii gaalka Talyaani
Gaardi mayskula meernay

Geeddigii ka dambeeyey
Gigadii Qorituur
Gaado aanu ku laynay
Reer dhagood maku giirtay?

Geeddigii ka dambeeyey
Gadhka Waadhida-Heela
Awrku maw gelin daaqay

Geeddigii ka dambeeyey
Galka Dhiito dusheeda
Caanihii hasha geydhiyo
Galaan maysku biyeynoo
galxood maysla noqdeen

Geeddigii ka dambeeyey
Sida roobka Gu'Soora
Gaatan meel xeradeeda
Ma guulaamo dhaqaaqnay

Geeddigii ka dambeeyay
Geligii Cillanaa
Gaadiidkaanu ku laynay
Gaajadii ma ku reebnay

Geedigii ka dambeyay
Nin doonaa ha gunuufee
Gurmad hayska mareenoo
Ha gees qaado digniintuye
Godka Aw Cali jiifiyo
Kolkaannu Heele? gudbayney
Inaanan gabanaynin
Gunti mayska helnay.

Geeddigii ka dambeeyey
Galbeed masu majiirnoo
Geela naawilidiisa
Guclaroor ma ahayn

Geeddigii ka dambeeyay
XidhGalool ma ahaynoo
Fardaha maw galgalsiinay

Geeddigii ka dambeyey
Galladiid dhinaceeda
Gawaantii la fadhiistay
Geesaa maw kala boodnoo
Goohu maysu baxaayey

Geeddigii ka dambeeyey
Kolkaanu gaanka Hudduudo
Golaneyney biyaa??
Leexadii cirka gaadhay
Galawgu iyo Fiintu
Galiyaay ma ku waashay

Geeddigii ka dambeeyay
Gooradiisa ma qaadnoo
Sidii gaas ma maraynoo
Garbo maw hadhasaneynay

Geedigii ka ambeeyey
Meel guyaal laga raagoo
Baryo ood lagu gooyniyo
Taliskii? dadka gooyiyo
Guuto loogu casuumay
Ma guullay habeennoo
Midhaa maw guranaynay

Geeddigii ka dambeeyey
Gudihii Webigii iyo (Shabeele)
Gudcurkay fadhiyeen
Arrinkaanu gorfaynay
Gaadiidkaynaga reebiyo
Guul inoogu dhaqaaajiyo
Inoo gaabsha dhawaaqiyo
Guhaad maysku aloosnay

Geeddigii ka dambeeyay
Habeenkaas gidigiis
Gucleroor ma ahayn

Geeddigii ka dambeyay
Kolku waagu guduutay
Annkoo gildhigii iyo
Isu geynay rasaasta
Weerarkii gigta yeedhay
Gurmad aaran kaxeeyoo?
.......................

Geeddigii ka dambeeyay
Geelu haysu yimaadee
Xigsin maysku garaacnoo
Ul Galool maku taagnay

Geeddigii ka dambeeyay
Kuwii Goodir liskeediyo
Galxoodkeeda dhamaayay
Geetaan kaanu ka reebnay
Gamiguuu curanaaya
Gega mayska arkeenoo
Madhiinkii gurxamaayiyo
Gooska maysla abaarnay
Goda-xiis dabadeeda
Ma gogleeyey Tukuu

Geeddigii ka dameeyay
Iyadoo Gesiluub?
Gaashaankii nagu raacdoo
Gubad qiiqii la moodo
Durba maysla galcoonoo
Ka Gar mays daba joogtay

Geeddigii ka dambeeyay
Habeenkaa garbiyaay iyo
Gudimooyin u qaatiyo
Guri looma haleelee
Intoo laysu gadaamay
Gardiidkay cararaysay
Gujo mawgu labaynay

Geeddigii ka dambeeyey
Goolibaadhkiyo faylkiyo
Siidhigii gantamaayay
Gaadhba mays dalbanaayey

Geeddigii ka dambeeyay
Habeenkaa gidigii iyo
Gadoobkey Ledo yeedhayiyo
Garridaannu tubanayniyo
Goobo Dhoobiyo baana
Ma gariiray dhulkii

Geeddigii ka dambeeyay
Geelashay dhaqaayeen
Gaajadii ma ku reebnay

Geedigii ka dambeeyay
Ayaxoo gala waabshiyo
Sidii geed timireedka
Iyadoo gudguduudan
Gabnaa loo tirinaayo
Dhaankii mawla galnay

Geeddigii ka dambeeyay
Waa rag soo guddi laabtay
Gabalkoo ...............
Garab-weynta candhaysito
Gannabaa rati qoodh iyo
Gocaydii la lisaayiyo
Gurboodkii yaryaraa iyo
Kolba goosan ma soocnoo
Ma loo goostay qoryaa

Gujiyey oo iska dhaafee
Raga qaar hal godobeediyo
Hanoo geysto canaanoo
Intii gaal na cabiidshee
Gammankii naga oodmay
Rag dagaalka ka guulmiyo
Hana moodo gobtoodoo
Geedaa ... ku yaaliyo
Garxoor haw sahansheeno
Oo ganuunkaan ka jibooniyo

kolbay geel ha na jiidhee
Annagooo ganna mooyee
Walee gaadh nabadeedbaan
Baan gudub loo wadaa seexan

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com