Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xaye Galaydh(Idagala)
 

Bari(1930's) ay isu yimaadeen gabayaagii Ciidagale ayaa laysku qabtay yaa ugu gabayahansan Ciidagle raggi wakhtigaa noolaa. Cabdi Gahayr baa yidhi "horta godobtana ma yaqaano , gabaygana inalama boobee , sow Xaye Galaydh inooma gabyi oga", Qawdhan Ducaale baa yidhi "intiina kale isagaa ka gabyahansan, aniguna anigaa idin ka gabyi og".

Markii gabayadii la wad waday oo nin kaste xoogaa golaha ka mariyay , ayuu Xaye Galaydh hadaly oo yidhi "Horta inaga kii gabyaaba wuu gabay ogyay,anigu raggi hore ee Ciidagale ee gabayga juunaa ku ahaa gabayadooda waan wada hayaa, ragaas waxa ka wada mid ahaa, (Waran kalyaale, Aadan Jaajaale,Nuur Dhagacun, Xuseen Xasan, Madar Gariirood, Xandule Nuur, Nuur Ducaale,Cabdi Huri, Aadan Birdhiile,) idinkuu qalbigina ayuun baad ka gabadaaane anigu ragaas oo dhan waan ka wada xaraf raacayaa oo ninba intu yidhi baan hayaa, mida kale igama qayoobo oo idinka waxan idin ka maqalay waa iga qayidyanyey oo caawa halkan kama sheegi karo".

Marku hadalkii soo watay ayuu Xaye oo ku caan baxay gabayada Gole Ka Fuulka yidhi" hadaba caawa tix baan halxidhayaaye bal fura".

1-Cirku mayayga waa caadadii inu Moholin buuxshaaye
2-Geelaa madheedh kii cuna ayuu midabku xiismaaye
3-Haday maangadi iyo burcada, Muri ku soo oonto
4- Mataanaa dixduna, uunka waa moosin loo dhigaye

5- Madfacuna dagaalkuu halku maro duqeeyaaye
6- Mas la aa'ay, waabeeyaduu mur isu geeyaaye
7- Maan madarta dhiiga le kuwii  meer ku gubay sheego
8- Maan muran hakala daysatee, maaxda ku asqeeyo
9- Maan sida mas waabeeyadii, milantay taabsiiyo
10- Madfac iyo rasaastiisa, maan meel isugu geeyo

11- Kolkaan mulaca toogtay, ayaan dalacay miimka loo godo'e
12- Magaankuu ka deelqaafayaa, ee waan mutuhiyaaye
13- Maymuun? Nugaaleed, baquhu? kuma mannaagaane
14- Bal i maqal mastuur iyo kal-gacal, muuno lagu waaye

15 Malyuun iyo kun faqaya, oo tashiga meel la wada jooga
16-Oo sida maroodiga Diheed , muruqu weynaaday
17-Oo muusanawga iyo ridada, laga mildhaawaayo
18- Oo Madaxtus mooyee, dagaal madal lolleyneynin
19- Ha lagaa maqalee kii gartow, mari higaadeeda

20- Maqin lagu shaqaysto oon la dhigin, mariyo soortoonna
21- Oo murugga hoostiisa yaal, muur la kici waayay
22-Oo mehered xoolaadna ool, miiqna laga qaadin
23- Halagaa maqlee kii gartow, mari higaadeeda

24- Muduci iyo madaacali hadday, maalmo badan joogto
25- Rag la miidhay, gurtida haday, madashu weynaato
26- Kolku maragu jabo kii Wallaha meersadaaa hela'e
27- Magta iyo gartaan dhicid lahayn meelna lagu deynin
28-Halagaa maqlee kii gartow, mari higaadeeda.

29- Mureysida sonkora, shaaha oo lagu macaaneeyo
30- Iyadoo malqacaddii yarkii, ugu madiixaayo
31-Nin fijaanadii oo melliyan muuno lagu siiyey
32-Oo hadal milguu leeyeehee, maya la soo taagan
33-Ha lagaa maqlee kii gartow, mari higaadeeda.

34-Inkastoo magaalooyinkiyo, maalka laga keeno
35- Inkastoo fardii Maxamediyo, moora lagu raadsho
36-Inkastoo rag male waw socdaa la isu miidaansho
37- Halka dahabka moodka u baxsani, maar ka ganac liito
38- Ha lagaa maqalee kii gartow, mari higaadeeda.

40- Manka ubaxa iyo raydabka, ayays muuja karantiiye
41- Wuxu magoolku wada taabud yahay, malaga beereede
42- Dhirta waxa milaaxsada, abaar midhiftu duushaaye

43-Marti timi hadii loola kaco, murax la xooleeyay
44- Magacuu ka simanyey ee candhadu maaxda kala weyne
45- Kol haday miskuu madhanyiin, waa maquunada'e

46- Majabtadu gadaalkay xumbada, kaga mudh siisaaye
47- Maalooti Aarkuna haduu, micida soofeeyo
48- Muska wuxu u kala jeexayaa, waa macnii hor'e

49- Maraakiibta dhooftana darbaa moodka xaabasad'e
50- Ragna haduu muwaafaqo toliyo muuno kala waayo
51-Mardhoof aan aqoon, baa ku luma moolka buuxsama'e

52-Maxfa u dhaaran maayee balaqay mawjadaan xidhaye
53-Nin Yixaasku miishaar la helay mooye si u noqon'e
54- Dadow maarso kii dhimanayaa malab u laacaaye.


Marku intaas dhameeyay ayaa la yidhi bal waaye intii kale xidhaye waxad noo sheegtaa bal 4 xaraf:


1-Bahalkaas moodka u baxsan ee hadana maar ka ganac liita?
2-Ninkaas shaaha iyo caanii iyo sonkortii layskugu daray ee hadana maya le?.
3-Gartaas goor iyo ayaan la akhriyaayo ee ila yoomal qiyaamii joogta?
4- Makhsinkaas ilaa goor iyo aan laga shaqeynaayo ee waxna la dhigan hadana culays la kici la'?

La soco qaybta danbe

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com