Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xuseen Ismaaciil Xayd"Aflow"
 

Gabaygan wuxu ka mid ahaa gabayo dhex maray gabyaagii Sacad Muuse iyo Ciidagale, Cabdi Gahayr oo dhan ah iyo Cabdilahi Suldaan Timacade iyo Xuseen Aflow oo dhinac ah. Gabaygu markii hore wax bilaabay Cabdi Gahayr oo "Garow beerida ku yasay Timacade oo beeshiisu ka soo jeeda Gabilay,Arabsiyo Wejaale..etc iyo dhulka beeraa le ee Waqooyi Galbeed" ka dibna waxa u soo jawaabay Timacade oo gabaygiisa u ka mid ahaa tudacani:

Haduu garowgu ceebyahay maxaad iiga gadanaysay?

Xuseen Aflow( waa In Ismaaciil Xeyd Xirsi "Aflow") oo Cabdi Gahayr dhan kale wax ka tusaaya ayaa isna gabaygan oon dhameyn ugu soo jawaabay Cabdi, Xuseen oo ku halqabsanaaya Cismaan oo ahaa nin ay isku heyb ahaayeen wuxu yidhi:

1-Cismaanow kulaylkaan qabo iyo kaarka igu yaala
2- Karin baan ka imi kaymihii kula dhinac yiile
3- kaftan iyo ciyaar ka go'ay kalow dhisteediiye
4- Waxa i keenay hadal iigu yimi, kadinka geeylayga

5-Kun nin oo xafiis wada gasha oo Kiin la wada moodo
6-Oo Kabadhe ban iyo hilliya tagay kalaamkoodu
7- Oo lacag hadii lagu kaftamo kaash u bixinaaya
8-Iyo kumaan miyiga jooga oo korma dhaqanaaya
9- Ninkii yidhi kamaandaan u noqon waa kadaabnimo'e

10- Waa kalalaxii Ciidagale, kodol dhiciiniiye
11- Kambaalaha intaad joogtay bey giniga kiileene
12- kalyahaaga guro Waylar baa kooro kuu xidhiye.

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com