Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xuseen Xasan Axmed "Xuseen Kuug", (HA)
 

Gabayaaga oo joogaa magaladda Jabuuti sanadkii 1983gii ayuu Cali Xasan Roodiile(Bamfas) soo waydiiyay wuxuu uga gabyi waayay xaaladii waqtigaa uu dadka reer Somaliland ku sugnaa. Xuseen wuxuu ku soo jawaabay gabaygan.

Ga'dii noo bilowdoo Calow, garanay taadiiye
Waxaad tahay garaad dheeraha, ay gobi u aydaaye
Garyaqaana waad tahay taniyo, geedka dooyada e
Ka gudoomiyaad tahay ileen, gole ka baankeede

Waxba kuma guhaadshaan, illaa geerida horteede
Nacab gacanta kuma soo qabtaan, oo kuma gujeeyaane
Tixdan iga gudoon waa murtida, gaarka loo helo e
Een guunyo lagu iibsan, ee Guule bixiyaaye

Caliyow rag baa garanya oon godod ka sheegaaye
Gabasho iyo cabsay uga tageen gobo'di taagnayde
Gabaygana iskabadayu oo goohayoo wada
ciidiibaa galiilyaysan oo gaadhii soo bixine

Geedihii midhaha saari jiray gooye oo jara e
Gidigeed ugaadheena geedi weeyaane
Gobanimadii way ciirtay waa gab taladeede
Nabadiina way guurtay oo way gabaabsidaye

Gabasiyadda la soofaystay ayaa lasku ganayaaye
Gumucyadda rasaastaa Isaaq lagu garaacaa ye
Waa goddob awoowyaal jirtay iyo gocasho xeel dheer e
Guntada oo dhamaantiin ka kaca geeri loo dhalay ye

Afartaa gorfeeyee miyaan geesba uga weershay
Guubaabadii Faarax Nuur iyo golongolkii Yawle
Guba iyo Salaankii tirshay gabay aqoontay dheh

Geesigii inoo kaca Siyaad gawraca u jiidye
Mareexaan garoomiyo xidigo guudka kaga saydh
Ganadbuu Ogaadeen dhigay iyo goonyahoo idile
Kuwii Goday inoo soo qabtay gubayay haawayda

Gaashaan qaadkii bay qabteen iyo lama guhaadshaan
Gablay iyo ciyaar bay tunteen guudkii Xamar weyne
Asker gacanta midig iyo wadnaha geesta bidix yaal
Indhaha galac yidhaahdiyo xubnaha waa gun iyo baar e

Nin la gabayo maaha oo cidla iyo goob xun yuurura e
gabashada rag ceebeeyay bay talada goosteen
Guulwade inuu daafaca waa wax soo gudhay
Balaynada ragii gali jiray iyo gaadhay Kood buur

Guurti uu habeeyuu la yimi goor ay fiid tahaye
Beerjeex bay dhammaan soo galeen guuto sharafeede
Iyadooy gantaalaha firdha iyo gumuc ka maagaynin
Oon geeri diidayn ninkood saara gaadhiga

Gurboodkii Afweyne iyo askari gooyo oo jare e
Gurmadkii ka daba yaacay ee Gaani amar siiyay
Basuuke geed lala galay aya goostay madaxiiye
Waan gacan saraynaa anagu goobta dirireede

Gardaradana waanu necebnahay iyo gun iyo xeerkeede
Afarta go'aan aan rabiyo gacan togaalayn dheh
Guulaamo roob iyo ufo iyo gaydhka dhibiceed dheh
Gufaacooyinkii Timacadde iyo gacankii Waaheen dheh

Godkii Ina Khaliif iyo ilaa Guniyobaareed dheh
Caligii garmaamayn jiriyo garangoortii Sheekh dheh
Barkhad Caskii murtida noo guntee gaarka noo faray dheh
Gudbintaan u soo dhalin ogaa goolka libineed dheh

Gaanow mashxarad iyo Siyaad farax ku gaadhsii
Gasiinkii maxaa kaa jareed maanta uga giigtay
Maxaa gama'a kuu diiday ee kaa giraangiriyay
Koobaha fagaaraha maxaa gaasas kugu meershay

Beebee maxaa kugu gadfe gubaya ruuxaaga
Gaagaabso mooyee xornimo waatan gow tidhiye
Inaad gogosha sii qaadato ood gudubto mooyaane
Galin miyaad ku noolaan kartaa waa la soo galaye

Haddii aanad garayskana ku dhicin guudna soo feedhan
Ama aanad gabadhii ahaan gaari nal joogta
Dhulkan inaad ku gabangaabida way gayaxantay
Geesdiir garoonliyo Nugaal gacanka Xaafuuni

Jeerooy wada gariirtooy dhagaha guuxu dami waayo
Oo galawgu foodhyoo dhulkana dhiigu wada gaadho
Gorgorkiyo dhurwaaguba hadduu maydka gigi wayo
Gama'a wayga dheeryahay hurdaan gogol ku seexdaane

Gamaankiina soo wada qabtoo guluf u heenseeya
Garba haaray weeyaan halkay godobtu taalaaye
Godolleye hasheenii hadaba gorofka soo qaadaa
Gidigiin Abwaanada jirow gar ugu haaneeda
Gaawaha ka soo buuxiyoo ubadka gaadhsiiya

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com