Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xuseen Ismaaciil Xayd "Aflow"
 

Xuseen Aflow ayaa wuxu jeclaaday gabadh Daarood (Absame) ah, gabadhaas waxay isku hayb ahaayeen Ina Camanje oo isna gabadha hoos ka doonaayay. Sidaad ula socotaan Ina Camanje iyo Ina Aflow labadooda aabo ayaa gabayga isu celin jiray. Xuseen Aflow oo damacsan gabadha inu ka qaado Ina adeerkeed Ina Camanje ayaa sidatan ugla haasaawey:


1-Seediyada ninkii kaaga tuma saayiq lala yaabo
2-Ama Dalka Saylaan u taga lacagna soo siiya
3-Sedex gudub ninkii kuu gadaiyo qurusyo saabuuna
4-Iyo saymadaa jaan kuwaa kugu saluuqaaya
5-Siraadeey miduun raac dadkuba haatan kuu simane


Tuduc 4add wuxu hoos ugu tuuraayay Ina Camanje oo gabadha isna doonaaya oo ku meeraysta. Akhirkii gabadhii waa guursaday. Mudo ka dib ayay gabadhii ku waashay dahabka iyo dharka hebelkaas ah keen ooy baahi badatay. Xuseen ayaa marku u adkaysan waayay gabaygan u mariyey gabadhii:

1-Gabadhyahay kaskaaga iyo aduun waa ba kala kaane
2-Waxan kooshka lagu hayn baad igu karhaysaaye
3-Kumbalka sariirtii lahayd kabo ma qaadaane
4-Wataa Kalooligu kharibay kadinki Maarseele
5-Karibna lagama qodo meeluhu dahabku kiilaaye
6-Ina Kiinba loo waa dharkan keen i leedahaye
7-Hadii aan kulaylkaasi hadhin kaarka iyo qiiqa
8-Kareeyada sideedii adaa kiish lagu toliye
9-Naa kariimkii Ilaahay baryahaan qalabka keenaayey


Ina Camanje ooy jiq ku tahay ilaa markii gabadha laga qaaday ayaa helay meel u oga gabyo Xuseen , wuxu yidhi:

Waar Maxamuudi buu wada xidhaa maal yaraawuhuye
Midgihiiba waa wada qaateen dhowr markhyadoode
Sidee gabadha meher kuugu qabtaa maro hadaad weyday?

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com