SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Yusuf Xirsi Magan, HA

Yusuf Xirsi Magan (Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eh) waxa uu ahaa gabayaa weyn oo ka caan ahaa dhammaan xeebta Bulaxaar, Ceel_Sheekh, Berbera iyo hargeysaba. Waxa uu abwaanku Geeraarkan la yidhaahdo ( Isaaqow malahaa Ba) tiriyay horaantii qarnigii ina soo dhaafay isaga oo degan magaalada Bulaxaar oo ku taala xeebta waqooyiga Hargeysa. Geeraarkani waxa uu ku saabsanyahay Ceelka la yidhaahdo (Ceel Dhanaan), oo waqtiga laba belood oo degaanka wadaagaa ay isku maan dhaafeen. markaa aniga oo ka cudur daaranaya dhamays tir la'aan, waa tan inta aan ka hayaa.
Gabaygii Yusuf Xirsi magan waa kan

Ba xareed Mudha yaal
Marmar waynta Qayaad
Madaxdii ba Isniino

Malkaduu Boon fadhiyaayay
Khaliifow Magan Xaad
iyo Giniis baan mibshiyaa

Cabdalaha kama maarmo
Oo mayal weynta fardaha
Iyo waxay maarra hayaan

Rabiba iskaaya mahiibshay
Miidha reer Dariyood
Wa mudhaa iyo diirka

Marana qayd lama maydho
Oo rag ninkaanu is maagno
Iyagaan ku muquunin

Axmadna waa mudankii
Mataanaanu ahayn
Midigtuu iga xigaa

Oo hadba tuu i marshaan
Matalooti ahaan
U sii meel dhigayaa

Meeshii aan ka dhashay
Iyo miidha qaar aan ahay
Hadii ay maarsadeen

Oo ay ka maarsadeen dagaal
Mayay hooray la moodyow
Waa maroor taladaasiyoo

La isoo marinmaayo
Maahir baa oloshay
Maddahii Ceelka Dhanaan

Iyo Qudhaclay muhatay
Malkadii ma ka xoornay
Oo madahii ma u Xaadhay

Marahay akhriyaysay iyo
Madadaalo idlaatay

Maryahii ku qasaashay
Makri baabu ahaaye
Aadan Ciise ma maagay

Isaaqow Malahaa Ba
Nama miifad taqaanid
Inaanu Ceelka ka maagnay

Maxaad noogu malaysay
Haddaanaan ka muraadsan
Maaxda geelu ka haagay

Maxaan Miimka qaloociyo
Sumaddii rag ka maagay
Iyo Madanaha uugu jiiday

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com