SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Ammaan Dumar

Yusuf Xirsi Magan, HA

Yusuf Xirsi Magan waxa uu ahaa gabayaa weyn oo ka caan ahaa dhammaan xeebta agagaarka Berbera iyo hargeysaba. Ilaahay naxariistii janna ha geeyee, Yusuf ayaa u soo geed fadhiistay inan' reer Hargeysa ah oo la odhan jiray Cadar Diiriye Suldaan, isla maalmahaa dhexdooda ayaa nin kale oo magaciisii aanan imika haynin isna uu codsaday in inan'taa isagana la siiyo. Reer Suldaan ayaa yidhi midkiinba gabay amaana soo tiriya, kiina gabay wanaagsanaada ayaanu inan'ta siinaynaa. Ninikii kale oo aan ahayn gabayaa weyn ayaa Cumar Xuseen(Austeeliye) Ilaahay ha u naxariisto eh soo kaxaystay kana codsaday in uu Cumar gabay amaana gabadha u tiriyo, Cumarna uu ka aqbalay. Golahii ayay isuguu yimaadeen Cumar Austeeliye iyo Yusuf Xirsi isaga oo mid koodba uu tiriyay gabay uu ku amaanaayo gabadhaas.

Gabaygii Yusuf Xirsi magan waa kan

Amaantaada Cadaray haddaan ku itifaaloodo
Oon alifka laamkiyo ka dayo awsadkiyo miimka
Ilwaad quruxsanleeyeey haddaan uunka maqashiiyo

Ab la sheego iyo reer abti iyo adiga ruuxaagaa
Ayaxaa ka badan Ciidagale inan'ta joogtaaye
Haddaad ugu ilroonaatay hablihii waxaan ilaaleeyay

Ambaddi haddaan dagay halkaan la asaraaraynin
Ood reer Mataan noqotay iyo ubaxa reer Ciise
Ood ururta Guuleed tahay iyo idhamadii Iido

Aslidii ba Cawlo iyo haddaad oodankii noqotay
Odaynimana reer Faarax ay kuba ekaanaysay
Uu aabahaa gacale yahay obobo'dii shaalka

Afartaa asluubtaan u dhigay aalad maw yeelay
Ma asteeyay waataan aqiin idibirkiisiiye
Eray kalana wow noqonayaa unug yar baan baanay

Alaylkii salaadaan tukaday uunka oo gama'san
Iyo oogta waabari markuu fiqigu eedaamay
Aluf laamka iyo baan tirshaa suuradaha adage

Culimooyin aada iyo ardaan ku ururshaa meele
Ooriday inaad noqoto ood ubadka ii qaado
Alabariga waa lay aqbali idam Ilaahaye

Afartaa asluubtaan u dhigay aalad maw yeelay
Ma asteeyay waataan aqiin idibirkiisiiye
Eray kalana wowo noqonayaa unug yar baan baanay

Waxaan ahay iskaayeeladii amarka weynaaye
Waxaan ahay amti reer Gadiid loo ogaan jiraye
Waxaan ahay irdaha Yoonis Nuux iyo ashraaftiiye

Uluuf iyo uluuf baa tolkay arad ka fuulaaye
Ololaha kun baa loo diraa oogta waabariye
Tan iyo Ogadeen ma jiro oday na gaadhaye

Arnaa'uud sidiisaan ahay iyo aarka debediide
Uumiga dagaalkaanu jirin nin i egeeyaaye
Arwaax nimanna way wada yaqaan idilka rer sheekhe

Agabkooda waa wada helnaa aaladii dumare
Asli qoorta lagu gooyay bay ku istareexaane
Aftirkiina waxa loo lisaa sidigtaa Eeraane

Abaartiina waxaan dagnaa aradka Ceel-Shiikhe
Ha iloobin Cadareey haween waa Alow sahale
Aqoon gaabna ha noqon naago wey edeb daraadaane

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com