|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
  Yawle & Xasan Cilmi Seed Cawed
Dagaaladii sokeeye ee HY iyo HJ dhexmaray badhtamihii qarnigii aynu soo dhaafnay ayaa rag badani ka gabyeen iyadoo mid waliba dhinaca saarayo tolkiis. Maalintii Qallalis ee 27-ka nin ee HJ ee Maxamed Cali Fadal iyo inaadeerkii Ciise Tuur la dilay ayaa HY u ku tidhi nimankii aad maroodiga ku sheegtay ee HJ waataa la jebiyey ee hadalkaagii la soo noqo. Yawle wuxu markaa yidhi,
Muslin iyo kufriba idinka oo ugu miciin liita
Ma maroodi baan Habar Jeclooy idinku maaweeshey
Ma mooyaan idiin tumay gun waa loo mashxaradaaye
Ma maraykan baa idin qabsaday ayda miranaayey


Maalintii dhoqoshay ee HY laga bursaday ayaa Xasan Cilmi Seed oo reer Yuusuf ahi ka jawaabay gabaygii isagoo ay tixduu marshey ka mid ahayd

Mashaa'iikhda gabaydaa marbay midhadh illowdaaye
La ye Maxamed Yawlaa xalay seegay marinkiiye
Iyadoo markaa murugtayoo miino soconayso
Waa kii Mushteegnimo hadlee mooyihii tumaye
Guutada maleegani markay Dhoqoshay maaxaysey
Maalkiinna goortaan hadhkii meel isugu keenay
Muslin iyo kufriba uumiyaha marag miyaa joogey
 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com