SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  DhirbaaxoJin

Xasan Cabdi Cumar "Dhirbaaxo Jin" (Sacad Muuse, HA)


Waa Jawwabtii Labaad ee  Xasan Cabdi Cumar Iley (Dharbaaxojin)  kaga jawaabay Gabaygii ninkii Majeerteen

Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha
In dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyne
Mar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay leh

Midha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataane
Bal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaane
Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba'e

Nin maroodi daandaansaday oo maanla' baad tahaye
Masalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamo
Miridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaaloowe

Waxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maray'e
Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaaye
Wallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaane

Adigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleene
Way kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiye
Hudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiye

Dukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseene
Malaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeene
Markii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay leh
Iminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyle

Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey

Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye

Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye

masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane

Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene
Mindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigaye
Adaa soo macaa yidhi sidii maalintii hore'e

Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda

Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye
Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e

Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye
Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne

Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay

Waase meheraddiinii inaad naago murantaanne
Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday

Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay
maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh

Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane
Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey

Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikh ah
Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay

inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye

Malaa'iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno
Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin

Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine

Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye

Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye
Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey

dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
Magaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaade
Maangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaaye
Geel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayne

Afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyey
Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye

Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba
Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe

Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay
Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye

Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne
Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e

Nebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahday
Miskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiye
Doqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin fala'e

maxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meershey
Markuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayey
Lixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinna

Magta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahaye
Wabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiye
Ina kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helaya

Mabda' iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowye
Miinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaane
masaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameene
Iminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaane

Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye

Abtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumay
Oo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysa
Haddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay Haashim

Mingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaase
Maatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeene
Keligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaale
Minka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqda

masaloba markay kuu baxdaa laga macaashaaye
Marag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalle
Hartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha Daaroode
Asalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maraye
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com