Ismaaciil Yarow taladu waa, aydin kaa maqanne
Afkoo kaa xumaadiyo gunnimo, waa isku itaale

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
  Ismaaciil jiir (Reer Yuusuf)

Ismaaciil Jiir oo malaha isku soofaynaya laba jilib oo HY ah oo colloobey ayaa tirshey gabayo dhawra oo aan ka hayno;

Nimankaan Canaantee lahaa cadar ha loo aaro
Maantana hablihi Cawl miyaa guurki ka cusbaaday

iyo
Gobaan diririn, gabadhaan xishoon, gudimo dhaanteeye

Nin Hy ah oo aanaan nasiib darro haynin magiciise balse ka mid ahaa labada jilib ee la isku soofaynayey (Muuse Carre & Muuse Ismaaciil) ayaa u jawaabay oo yidhi

Ismaaciil Yarow taladu waa, aydin kaa maqanne
Afkoo kaa xumaadiyo gunnimo, waa isku itaale
Afartiyo shantii igaga lumay, adiga awgaaga
Ee aan la illaawinee, uurka lagu haysto
Ma ifkay u soo wada baxeen ubaxi Reer Yuusuf
Aadan iyo Saleebaan miyadan eegin gurigooda
Mise aakhiraad geysateen idinba Qaanbiille
 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com