Keyse Xuseen Qasaal

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
   
 
Keyse Xuseen Qasaal (HJ)
 
Abwaan Keyse Xuseen Qasaal waxa dhalay gabayaagii la odhan jirey Xuseen qasaal ilaahay haw naxariistee. Haddaba gabayada uu abwaanku tiriyey anigoo aan wada haynin waxan idiin soo gudbinayaa laba ka mid ah.
 
1- Waxan maqlay in gabayaaga ay niman ku yidhaahdeen iyagoo yaraysanaya oo aqoon u lahayn in Keyse aftahan yahay " oo gabayada ma wax baad ka taqaannaa?" Keyse wuxu tiriyey dabadeedna gabaygan halxidhaalaha ah. Wuxu yidhi:
 
Inan(gabadh) aan xigaal iyo tol iyo xidid wax siinaynin.
Oon aabbeheed xoolo hayn, xoogna ka haweena
Oo aan xisbiga dowladdiyo, noqonin xaaskooda

Oo dharka kii xariiriyo haddana, xidhata baabliinta
Oo tidhi xaggaa kama aqaan, xalayto way kow e
Xaalkaa ninkee garanayoo, xaraf ka sheegaaya!
 
Xaashada quraana, oo inaad barato xaaraana
Xadiis aad ku gaaloobaysaa, xalayto way kow e
Xaalkaa ninkee garanayoo, xaraf ka sheegaaya!

Nin waynoo xalaal lagu dhaloo laba xiniinyood leh
Oo Xaylka naagaha helaa, xalayto way koowe
Xaalkaa ninkee garanayoo, xaraf ka sheegaaya!
 
2- Gabaygan labaad waxan maqlay in abwaanku u tiriyey nin uu tilmaamayey liidnimadiisa. wuxu yidhi:
 
Soddonkii marreexaan wixii, loogu sacabbeeyey
Kursiguu Saleebaan lahaa, wixii maxamed loo siiyey.
Ee sarkaalku suudhka u gashadey, sabab ilaahay'e

Inaan doqoni saaxiib lahayn, gacalna saamaynin
Oo aan samaan iyo xumaan, sina wax loo moodin
Markuu samir ka qaataad ogeyd, Nebi Saleebaane( Caleyhi Salaam)
Iyadaba waxaa loo sac-sacay, sabab ilaahay'e

Marka awr sarraaf lagu arkiyo, dhugato saan reeba
Sadho lagu ogaadaa nirgaha, laga dhex saaraaye
Isagoo sabaan adag qaboo, silic la maaryaadey
Wuxu keligii soolka u mirtaa sabab ilaahay'e.
 
Inkastoo aanan hubin inaan je-jebiyey gabayadan iyaga ah iyo in kale haddana waxan idnika martiyayaa inaad sidooda u soo daabacdaan haddii aad iiga aqoon badan tihiinna wax waad ka beddeli kartaan. Waad mahadsantihiin. Nabadgelyo.
 
Waxa ku deeqay C.N.Ducaale

 

 

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com