Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Xuseen Ismaaciil Xayd "Aflow"
 

1-Hunde iyo Aroorays iyo Ceelka Haresuudi
2-Jidhaha Huraad meeshaa iyo Mula hagaageeda
3-Cabdillaha Hubeys iyo Madiix kuraygu haaneedo
4-Bah-Xawaadle hoosadaa Wardheer halab ku maalaysa
5-Iyo Habar Xabuushtii koree Hagare-Feedh tiilay
6-Habar Yoonis iyo Ciidagale labada haamoodba
7-Awalkaa haleelada u dhashayiyo heegan lagu siiyey
8-Garigaa habeen iyo dharaar gibirka hoynaaya
9-Reer Caligaa Hawdka daga iyo heelada Xaafuuna
10-Intaasaan ninkii gabay holada ugu horeeyaaye
11-Kuma hadal iska celin caawaa lays hor joogaaye
 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com