Xuseen Xasan (Ciidagale)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |




 
 
 
 







 
 
 
 
Gabaygan wuxuu Xuseen Xasan u tiriyey beelo Ciidagale ah oo malaha inta la colloobay oo uu Xuseen ka guuray oo niman reerahaas ihi ku eedeeyeen Xuseen inuu baqday oo  uu hullulo oodan iyo Ugaadeen dhex degey. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa "Haddii lagu sheegana waa lays sheelaa; haddii lagu sheelana waa lays sheegaa" sidaa darteed buu Xuseen nimankaa xusuusinayaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo.
Gabaygu ma dhamma, Mana saxna
 
Caynaanka gabay waanigii, cawro ku ahaaye
Cadaab iyo denbaan kaga baqee, waa cayimadiiye
Carrabkayga maqal caasiyow, caalin baan ahaye
 
Cod yar waxan u naqay uumiyii, cayda laga keenay
Cod yar kalena way niman halkii, laga canaan saaray
Cod yar kalena way baha Canbaro, midan ku cayntaarshey
Cod yar kalena way aniga iyo camalladaan sheegtay
  
Cod yar waxan u naqay niman halkii laga canaan saaray,
Cirku guga canbaarkii horuu, caajis leeyahaye?
Geeddiga cayuuqnaye haddii, caynka lagu giijey
Casaankii Afmeer niman ku hadhay, nooma carayaane
Ma cidbuu ka baqay reerku, sow caano lama doonan
 
Ismaaciil cagaarkii dhexuu, coodan daaqsadaye
Maxamuud cadkuu cuno hadduu, cunaha weydaarsho
Oon cudur ilaahay ku bixin, curubta reer Yuusuf
Ninkii cidhifka soo qabo yidhaa, calal miyuu qaaday
 
Cod yar kalena way uumiyii, cayda laga keenay
Cimrigeed carrada reer Isaaq, cidaha iidoora
Sheekada cirroolaha intaan, cumar ka soo gaadhay?
Intay Baho is caabiyanayeen?, lana ciseynaayey
Carfigu reer Ducaale, yo anuu igu cillaallaaye
Inta kale carsaanyay ahayd, cuudka noo jira'e
......... Guuleed Casiyo, cuurka Dhamal Aadan
Weli caday ba Cawlooy ma jebin, cududihiinniiye
Ciirada dushiinnaa tolkiin, idin canaantaaye
Intaan Caliyo Haaruun ka diley, ciiddan way tahaye
Cid ka sheegta ciiddoo kaluu, cunay waraabuuye
 
Cod yar kalena way baha Canbaro, midan ku cayntaarshey
Dhawr goor cantoobsade waxay, ku cammirraayeene
Cunto raashinaa laga wataa, curadki reer Nuure
Cayuunoow maxaad fali, haddaan cidi ku deyneyne
 
Cod yar kalena way aniga iyo camalladaan sheegtay
Haddii Caawin geel lala tagooy, ciiro kor u duusho
Casarkiiba siigadu hadday cidhif? ku leexayso
Faras ciidan gala iyo haddii, calaf la kooreeyo
Cimri-dherer fuluhu kuma baxsado, carari doonaaye
Aniga Caara-Muuslaha kolkaan, rag isla caal moodno
Nafta lama cabsoodee kolkaan, coofka bahal yeesho
Cirfiidna ha noqdee warammadaan, culuq ku reebaaye
Maalintaa sidii cudur wax dila, cadawnimaan sheegtay
 
Marti culus caweyskii haddii, caynta lagu sheego
Goortuu bakhayl curufsanyaan, caafimaad ahaye
Culuq iyo Bariis waxan hayiyo, cabudlahaan loogey
Weelkaan caddiinta ugu guro, culimadaan sheegtay
 
Heensaha casuustale haddi, caynab lagu faayo?
Carfigaan lahaan jirey hadduu, caannimo u muuqdo
Ceeb laguma faanee haddaan, curiyo dooddayda
Cod xun lama dhawaaqee, haddaan ................
Ceelkii Jannada Eebbeheen, caasha haw daro'e
Cawilkii adeerkay ahaa, camalki baan sheegtay
 
Aarkii Cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayey
Goortii la wada caageybaan, ceerigaw baxaye
Beeshii ciqaabnaa hadday, caano dhamayaane
Intuu cunay intii carartay baa, ka cabsi waallayde
Calaydh maalintaan dhigay, dadkii inu cisaan sheegtay?
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com