|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


 
 
 
 
 










 
 
Xuseen Xasan (Ciidagale)
 

Xuseen Xasan wuxuu ahaa nin ku caanbaxay sifo kasta oo inan rag lagu majeerto. Wuxuu ahaa gabyaa, abbaanduule, geesi dagaal yahana, deeqsi, garyaqaaan iyo kuwo kaloo aan la soo koobi karin. Xuseen oo ahaa tiir ka mida Tiirarka suugaanta wuxu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Erayga Suugaan u adeegsada gabay. Erayga suugaan kuma cusbayn afka Somaliga oo wuxuu lahaa dhawr macno oo kan ugu xoogga badani ahaa meesha biyuhu u shubmaan ee marka dhulka kale wada qallalo weli rayska leh ee ugbaadka laga daaqo oo waa tan jiilaalka la odhan jirey "Geelii reer hebel meel heblaayo ayuu suugaan ka daaqayaa". Eraygaas ayuu Xuseen ku soo koobay murtida Soomalida isagaana loo nisbeeyaa oo waakii gabay aanan hayn ku lahaa
Suugaanta maansada haddaan siinka ka hingaadsho

Beribaa Xuseen Xasan iyo niman kalaa is qabtay markaasaa Xuseen oon joogin uu Suldaankii gartii siiyey ninkii kale. Ninikii kale ayaa laga sheegaa isagoo malaha gabay Xuseen hore uga u tirshey ka jawaabaya inuu yidhi

Xuseenoow aduunbaa gabyee guuli kuma raacin.

Xuseen waxa laga sheegaa inuu yidhi "Suldaanoo maadaa sidaa yeelay" oo uu "Haa" kaga jawaabay. Xuseen halkii wax looga dugayey ayuu Suldaankii Suldaammada ee Ciidagale ayuu ku yidhi "Suldaanow inantaada was" oo waakii gabay ku lahaa

Waayan Suldaankii ku idhi hal an la eegayne

Gabaygan inta yari naga soo gaadhay waxa uu Abwaanku ka tirshey jail-ka Berbera oo uu ku xidhnaa isagoo fidmowalannimo malaha lagu soo eedeeyey. Xuseen sidaan hore u soo sheegnay lahaa sifo kasta oo nin ragi lee yahay waxa uu bayaaminayaa tilmaamahaas qaar ka mid ah oo uu lee yahay "toloow haddii aan meesha ka baxo oo xabsi la igu illaawo yaa i beddeli". Gabaygan ka dib ayaa Xuseen lo gurmaday oo xabsigii Suldaanku dhigay laga soo saaray.
MA DHAMMA GABAYGU

Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo
Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye
Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye
Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane
Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane
An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro


Si alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede
Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha'e
Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba
Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo


Siyaaxey haddii lala tago ooy siigo kor u duusho
Halkii fuluhu seeraari jirey saajacnimadayda
suryadaan ka soo laaban jirey surinki yaystaagi

Geelaan silsiladda u ahaa sodihi yaa daajin
Dhalinyarada suudhada qabtaan soo sasabayaaye?
Saxal iyo mariiq baan ahoo waan u suuldhabi'e
Raggaan anigu seeteyn iqiin xadhigi yaw soohi

Haddii uu sokeeyuhu is dilo waa surdubo jaane
Gartaan qolo ku suuldaari jirey nimanki yaa saari

shir la seemay, khayliga la simay saaddanbiyo geedka
siraadkiyo bilbilahaan lahaa sare ayaw qaadi

Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga
Isagaase xaajada sirgaxan saabadayn jiraye
Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo

Mar haddaanse sahal lay furayn sabab la ii waaye
Soodaan madow hayga dhigo soonka dabadeede
Mase sed yara salaaddiyo intaan saxayo Tawxiide
Saaqayga ii keen Cabdoow samir allaa dhow'e

Xuseen xasan waxa isagoo 80 jir ah Ugaadeen aano ugu dilay geyiga CIID. Xuseen inta la qabtay isagoo oday ah ayaa loo geeyey ninkii beesha xukumayey. Waxa rag badanoo wax garad ahi isku raaceen in ay dhaqanka Somalida ku ceeb tahay in la dilo nin 80 jir ah maadaama uu tabar gabay oo aanu Daarood gacantiisa dib ugu ciili dooni. Wadaad ka mida beesha ayaa laga soo weriyey inuu sheegay in maadaama Xuseen hadli karayo uu afkiisu hub ka daran yahay halkaasaana lagu dilay Xuseen Xasan oo dabadii rag badan daraaddiis aakhiro loo dawiyey.
Xuseen lama soo koobi karo inta uu col geliyey Ugaadeen ee beelo dhan uu oodaha u rogey oo waa kii gabay uu tirshey ay ku jirtey;
Weli caday Bah Cawlooy ma jebin cududahaagiiye
Intaan Caliyo Haaruun ka diley ciiddan way tahaye

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com