Q O R A A L

H o r d h a c

S o o c a n e

Dagaalkii HJ

Buney Cabdalle

Dilkii Looya

Dilki G Garomed  

Nabadaynti Biciide

Colaaddii Rer Dahir

Dilkii Yonis Ibrahim

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 





Kite Fiqi (1810 - 1870s):


Qaybta 6aad


Dilkii Geelle Garoomeed

Qormadii hore waxaynu kaga soo sheekaynay abbaanduulihii caanka ahaa ee Geelle Garoomeed iyo dagaalkii dhexmaray ciidankiisa iyo ciidankii Kite Fiqi. Dagaalkaas muddo ka danbaysay ayaa Geelle oo ciidan badan wataa ku duulay Axmed Garaad,Dhulbahante oo meesha Tuuro la yidhaahdo dangiiga, geeluna Caynaba iyo Ceeldhaab uga cabbo.

Ciidanka Geelle oo dhawr goor oo hore Dhulbahante iyo Ogaadenba u dhacay markan inta laga digniin helay ayaa loo diyaargaroobey oo dhan kasta ciidan lagaga keenay, isagii iyo rag badan oo uu ku jirana waa la dilay. Geelle abbaanduule magac weyn ayuu ahaaye markii isaga iyo ciidankiisii badankoodii geeri lagu hubsaday ayay Dhulbahante ku gabyeen inay Isaaq dhaawac aanay beryo ka soo kabanayn gaadhsiiyeen. Nin Samatar Rogane la odhan jirey oo afarreyda yiqiin ayaa gabay ku cabbiray khasaaraha ay geysteen, isagoo libin-gabyayana ku maansooday:

Wallee reer Isaaq kama bogsado burunjidii Geelle
Wallee baaba’aan maanta baday beerku ledi maayo
Boqol sano wallee sooma dego bananka Tuuruuska.

Markii warkii dilka Geelle faafay nacabka iyo ninkii uu ciilayba waa farxeen, gacalna waa ka murugooday. Markii Reer Yoonis ka war helay dilka abbaanduulahaas weyn waxa la sheegaa inuu Kite Fiqi madaxa qabsaday, cabbaarna murug darteed madixii iyo gacmihii isu daayey. Kite iyo Geelle inkastoo dirir u dhaxaysay misana laba hoggaamiye oo wax badan oo tolnimadu ugu horraysaa ka dhexeeyeen bay ahaayeen. In kastoo rag dhawr ahi ka soo horjeesteen misana Kite Fiqi iyo taliskii Reer Yoonis waxay go’aansadeen in Geelle Garoomeed loo aaro inta dhiiggiisu qoyan yahay. Wuxuu ahaa go’aan Reer Yoonis ka soocaya beelihii kale ee Isaaq ee deegaanka halyeyga lagu dilay ka ag dhawaa.

Kite Fiqi waxa dhalay Dhulbahantaha dilka geystey waqtigaasna colaadi kama dhaxayn Reer Yoonis iyo Dhulbahante oo berigaa deegaan ballaadhan xuduud ka lahaa. Si aan madmadoow u gelin hadafka duullaanka ayuu Kite Fiqi ciidankiisii amray laba shay. Waa mide, wuxuu ciidankiisa faray inay ku dagaal galaan oo ku dhawaaqaan kelmedaha “Yaa Geelle Garoomeed lahaayeey”. Waa marka labaade wuxu faray in ninka ay waranka la helaanba yidhaahdaan “Aar Geelle”. Abbaanduule Dhayliqe la odhan jirey oo Reer Cali Geri ahaa ayaa markuu Kite Fiqi gartay yidhi “abti sow adinkii Geelle colka ahaa maxaad noogu wacad furteen?” Kite Fiqi wuxu ninkaa ugu jawaabay erayo caan noqday oo muujinaya inuu ahaa nin aragti dheer oo meelo durugsan wax ka fiiriya. Kite Fiqi wuxuu ninkaa ku yidhi;

Inkastuu is gumeeyo,
Ama uu is garaaco,
Isaaq guudka sareeto,
Aniga ii gudboone,
Haddaanan Geelle u aarin,
Oo warmahayga guduudin,
Oo gacmahayga ku daalin,
Duul gumaan ka dhashay!

Axmed Garaad oo isu dhan ayaa maalintaa cagta la mariyey, waxay xoolo hayeenna, geel iyo gammaanba, intoodii badnayd waxa la wareegey Kite Fiqi iyo ciidankiisii. Waxa maalintaa la dilay abbaanduulihii Axmed Garaadka oo Dhayliqe la odhan jirey iyo rag kale oo culus. Sida la weriyey, waa maalinta gabadhi Dhulbahante ahi ku barooratay “Alla Geelle Garoomeedoow gurigaa be’, dhal badanaa!” Markii Geelii Axmed Garaad la isu soo tubay ayaa Kite ku geeraaray;

Geelan baatirta weyn,
Badankiisa la yaabay,
Nirgii boodhka hurdaan,
Nugaal hoose ku beermay,
Candhadiisa bullaasiyo
Burca taagan la moodo.
Inteeroo boqollaal ah,
Oo balanbeelyo Darmaanoo,
Sida biinta u duushaan,
Bahday maanta u haysto,
Boodoow kaa celin maayo.

Axmed Garaad waxay Kite iyo ciidankiisa ku wargeliyeen inay geela dhacsanayaan oo lala sugo. Dhaqankii hore ee Soomalida ayay ka mid ahayd inaan geela markiiba laanta lagu duugin lana saanyin illaa raggii maali jirey tamari u run sheegto oo ay dhacsan kari waayaan. Kite wuxuu nimankii ku wargeliyey inuu Ceeldhaab geela kula sugayo, iyaguna waa ciidan doonteen oo Dhulbantii kale ayay u qayshadeen.

Kite Fiqi geelii wuxu lix habeen ku negeeyey Rigacad oo Ceeldhaab u dhaw, haddana Jillab la yidhaahdo, Caynabana wuxuu durduursiiyey 12 maalmood. Ceeldhaab iyo Caynababa waxa dagaalka soo galay oo ku dhintay Bahararsame iyo Barkad, abbaanduule Laqaf la odhan jirey oo adhaxda lagaga jabayna waa ku waayeen. Sida gabaygiisa ku cad, meesha la yidhaahdo Adhigeyr ayaa Kite laba habeen oo kale u sii hooyey geelii.

Maalintii 21aad ayaa col reer Hagar ah oo geela ka daba yimi la isku helay meesha la yidhaahdo Xagi. Dagaal culus baa dhacay, nimankii geela ka daba yimi ee Reer Hagarna rag xoog leh ayaa haadka loo wadhay oo hungo ayaa firxadkoodii la gurya noqdeen. Markii dagaalkii dhammaaday ee aarkii Geelle Garoomeed lagu qancay, hanaddo magac weyn lahaana u dhinteen ayuu Kite Fiqi oo libin-gabyayaa sawiray sidii wax u dhaceen:

Nimankii libaaxii dilee, luqunta soo gooyey
Awalkaa lixaadkiisu jabay, waa ludday maqane
Inaan laayo mooyee si kale waanan ledahayne
Barkadkii likaaciga badnaa lahanki beenowye
Cali Geri ku laafluuf siduu laydh ku soo dhacaye
Bahararsamena waatuu ku lumay Laqaf colkiisiiye.

Ceeldhaab lalabihii haddaan, lix ugu hoynaayey
Caynaba haddaan labiyo toban, uga ladaabsiiyey
Adhigeyr hddaan laba habern laasim uga yeelay
Dadku kala lafweynsane hadaan, laayey Hagar Aadan
Oon Xagi-Garaad kula legdamay libin miyay seegtay.

Lix kun iyo lag mooyee haddaan, guluf ku leexeeyo
Senge laqana mooyee haddaan, lugo ku soo duulo
Lufankiinna soo hadhay haddaan Laasane u daayo
Lafta Muuse kama dhalan haddaan garanta kaa laabo.

Abwanka Shawle Xaaji Jibriil oo sifaynaya dagaalka hore ee Rigacad ka dhacay ee muddada 160ka sano ka badan laga joogo waxa gabay uu tirshey ka mid ahaa;

Kite Fiqi markuu guutadii kor u ragaad saaray
Ridada waranka “Aar Geelluhuu” boqolka raacsiiyey
Reer Yoonis waa ficilo uu, raatib u lahaaye
Rajiistaraha taariikhda so raad ku qoran maaha!

Abwaankii kale ee Ismaaciil Xalleef (IHUN) asna waysagii geeraar uu waa hore tiriyey ku sifeeyey dagaalka danbe ee Xaga-Garaad (Xagi):

Cishadii Xagi-dii
Cusaybkii Hagar Aadan,
Kite goob ku casheeyey,
Waa markhaati caddaana!”




  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com