Qoraal (Written)

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Cabdi Fadal

 

 
 

  Habar Jeclo - Reer Daahir

 Ammaan Faras

 
PART II (Part I ,   Part III)

Ducaale Suldaan Guuleed(Ducaale Aftaag) oo Berbera ku sugan ayay meel isugu yimaaddeen dhawr nin oo gabyaa ah oo uu ka mid yahay inankiisii Nuur Dhegacun iyo labadii abwaan ee la kala odhan jirey Cali Jaamac Haabiil iyo Cabdi Fadal. Wuxuu Ducaale yidhi nimanyohow caawa waan idin eegayaaye bal nin waloowba faraskaaga ammaan. Waxaa ugu horreeyey Nuur Dhegacun, Ka dibna waxa ku xigsadey Cabdi Fadal. Wuxu yidhi Cabdi Fadal Alla ha u naxariistee;


Midabkaagu Geydhoow sidii Goray ma laaceene
Gaaddada iyo Feedhuu baruur kuma gammuurmeene
Cir godladay gufaaciyo Mayay gelinba cayn keenay

Goortay Gammaanki u naceen Gooxa iyo Roobka
Ninka goodan gaaridu halkay gacal samayneysey
Legga kuguma geliyeen halkay gogoshu ii tiille

Labadaada gobol goor walbaba subag ma gaadheene
Goonyaha intaan kaaga shubay gego ma qaadeene
Guuraha habeenkii kolkii Goda la doonaayo
hadba gees an kaagama dayeen gelengel laydheede

Markaasaa Ducaale yidhi Ma u noqonaysaa Cabdoow. Markaasuu Cabdi Fadal yidhi mar kale;

Meel dhaanki laba dhaxay miyaan kugu ladaabsiiyey
Ma leggaan ku geliyaa sidii weled an laab raacay
Ma u laacday Lebi doogleh iyo sida Lug dooxoowdey

Sidii Aar laxaadsaday miyey luquntu kuu baacday
Lista geela caanaha miyaan Ledana kuu daayey
Ma Siddeed jir baan kuu legdeyood laacday badhidiisa

Lafta dhabar kob layskaga jaboo rag isku laylyaayo
Ma ku lali halkaan Laarriyoow kugu listaameeyo
Mise waan ku lumiyaa intaan lur iga kaa gaadhin.


Cabdi Fadal waa kii mar kalena lahaa
Raggu eegmada guud
indhaa wayga lalshaa.
Markase aan wax luraayeen
Libaadshaa ku fadhiisto,
Rabbibaa ku luglee
Waxbaa laygu ladhaa

 

Cabdi Fadal wuxuu ahaa Abwaan gabayadiisu tis qaadeen xilligii uu noolaana ka sheegganaa. Wuxuu kaloo ahaa geesi warac ah oo halgaada ninkay is haleelaan. Dagaalkii caanka ahaa ee "Raydabdhuub" ku dhex maray HJ iyo Dhulbahante qiyaastii 1880 kii waa ninkii Abbaanduulaha ka ahaa.

Gabayadiisa lumay waxa ka mid ah gabaygan aan labada meeris ee dhaxal-galka ah ka hayno;

Hadduu aamus doqoniimo dhalay,hadalna aafoobay.
Allow yaa wax lag eed baxoo,aada garanaaya.
 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com