WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Fardaha

Nuur Ducaale Suldaan "Nuur Dhegacun", (Idagale)

PART I (Part II, Part III)

Ducaale Suldaan Guuleed (Ducaale Aftaag) oo Berbera ku sugan ayay meel isugu yimaaddeen dhawr nin oo gabyaa ah oo uu ka mid yahay inankiisii Nuur Dhegacun iyo labadii abwaan ee la kala odhan jirey Cali Jaamac Haabiil iyo Cabdi Fadal. Wuxuu Ducaale yidhi nimanyohow caawa waan idin eegayaaye bal nin waloowba faraskaaga ammaan.
Nuur Dhegacun oo gabyaa weyn ahaa ayaa ugu horreeyey oo yidhi Alla ha u naxariistee;

Masar nimanka yaal Maydaloow kuma majeerteene
Magacaaga kama naadiyeen makhiyo shaanshaane
Makhrib dabadii maalkii baddii laguma moodeene
Muuqaaga nimankii arkaa kuguma meereene
Miid subaga maakhiri lo'aad kuguma miiseene
Murudkii ka soo hadhay Gammaa kuuma mariyeene.


Markii Nuur Halkaa marinayey oo aanu dhammayn gabaygii ayaa Ducaale yidhi "Jooji Aabbe lagaa hel adiga una noqon maysid reerkeennina sabool baad ka dhigtay". Markii Nuur sababta weydiiyeyna wuxu yidhi Ducaale "Maxaad Faraska Murudka u marisay".
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com