Togdheer

  Geerida horteed

  Abokor& Lafcanbe

  More

  More

 

 

 

 

 

T  O  G  D  H  E  E  R
Abokor Cawed Beyle    & Cabdillahi Muuse Jiciir



Cabdillaahi Muuse ayaa waxa gabadh ka guursaday nin Abokor Axmed, HJ ah. Cabdillahi oo nin saboola ahaa caruur badanna dhalay ayaa is yidhi maantaad dhiishii foqorka tuurtay. Geelii gabadhaa Cabdillaahi ka qaatay ayaa Candhooloobey oo sidii uu ka filayey noqon waayey markaasuu ninkii ma eedayne wuxu Cabdillaahi u gabyey HJ oo dhan oo yidhi.

Hadii talada lay dhiibayo oo ay tayda noqonayso
Togdheer waxan ka dhigi laa bad aan laga tallaabayne
Waa niman hablaha laga tumaa yay ku sii tarine


Salaan Carrabey baa gabaygii loo sheegay. Salaan oo aan colaadda sokeeyaha ku dheerayn ayaa markii gabay laga deyn waayey yidhi.
"Ninkii arrintaa ka gabyi lahaa berri buu halkaa ka soo guurayaa". Sidii bay noqotay oo Abokor Cawed Beyle ayaa gabaygii ka jawaabay isagoo aan HY caayayn balse goonni ula baxaya jilibkii Cabdillaahi Muuse ahaa.
Wuxu yidhi Abokor.

Cabdillaahiyoow waxad taqaan, tixo la eedaaye

Tabaalooyin badan baa Isaaq, kaa tirsanayaaye
Togdheer waxa la joogtaan rag waa, kaaga tudhayaaye
Tambareeri baa lagu qabaa, toban dhalkiinniiye
Taaj iyo Cimaamadi wixii tegey, ma maydhaane
Isma Taahilaan reer Xuseen, Toban Sabeenaade

Temed waxay ku waayeen hablii, teedka Gubaddoode
Toddobaatan baan bixin lahaa, tiir hadday tahaye
Gabadhii Tol leh baa geelayaga, loola tegayaaye
Tusma lagu hajaan la hayn, Togiyo Heemaale
Tiriitiri ha joogtee maxaa tubana noo keenay .

 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com