Togdheer

  Geerida horteed

  Abokor& Lafcanbe

  More

  More

 

 

 

 

 

Abokor Cawed Beyle  & Cilmi Xirsi Beyle 

Habar Jeclo, Yeesif  Geel & Ninkii Adhi leh



Abokor Cawed Beyle oo ahaa abwaan caan ka ah dhulka somalidu degto oo dhan waxa uu beri tegey England. Abwaanku waxa sida gabaygan ka muuqata uu ku taamayaa nimco Ilaah kala kulmiyey qurbaha. Wuxu Abokor is garab dhigayaa noloshii xoola dhaqatada ee uu ka soo tegey iyo tan uu kala kulmay UK. Gabaygan wuxuu ku aadan yahay 1940s-kii.

Wuxu yidhi marxuumku ;

Geel iyo ninkii adhi leh bay, gaajo wadataaye
Jiilaalku wuxu gaadayaa, Guban xagaaftiiye
Geeddiga ha looyaamiyeen, sida gabraareede
Geerida horteed daar cad bay, gogoshu ii taalle
Gadhka waxan u feedhaa, sidii Goondharka Cadmeede
Gini kuma qadeeyeen haddaan gurada Noodh oolle.

Gabaygaas waxa ka jawaabay gabyaa ay Abokor ilmaadeer ahaayeen oo la odhan j
irey Cilmi Xirsi Beyle. Gabaygu wuxu tilmaamayaa sida "Lama huraan waa caws Jiilaal" u yahay ee aanu Abokor u hurayn ciiddiisa si kastoo Ilaah wax uga siiyo qurbaha. Wuxuu isagoo tusaalaynaya gefka Abokor uu abwaankaasi yidhi

Sirta qudhuntay saadada luntiyo, suurta la afuufay
Abokoroow sabaankii na helay, waa ku sugayaaye
Kol uun buu Ilaah kugu sallidi, gaalka saynta lehe
Oo soo kac uun buu ku odhan, saafur baad tahay
Adoo soconayaad noogu iman sabadi Beereede!


Sidii bay u dhacday oo waxa waa danbe Abokor oo tarxiil ah lagu soo rogey dekedda Berbera waxaana waqtigu geyeysiiyey inuu laba go' oo cadcad intuu qaato uu hawd geela xerriyo.

 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com