Qoraal (Written)

  J i i d h a

  Q u r j i

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  J i i d h a

  Dagalkii "HAYE"

  Qiiro-Dagaal 

  Colaad-(Ma dhamma)

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
 

 Cismaan Axmed Faahiye "Afcadaawe"

 

 
 

  Habar Jeclo

 Jiidha

 

Gabaygani wuxu abwaanku tiriyey dagaaladii Dhulmahante iyo Faqashtii kalkaalin jirtey damceen inay ku soo ceshadaan dhulkii laga maroorsaday horraantii qarnigii tegey. Gabaygu ma saxna

Jawi gabay maantii naxwaha, jalasku ii daaro
Ayaan anigu been kuma jiree, Jiidha mariyaaye
Jabka dhacay ninkii Aadan Carab juuqna laga waaye.

Jiilaalka waatii la baday, jaynaf iyo ceebe
Kolkii lays jirrabay reer Garaad, jaahwareer noqoye
Jibba beena iyo laaqi waw, jamac salaadeede
Marka cadawgu kugu jawr falaa, lala jihaadaaye
Jimcihii la galay baa awood, loogu joogsadaye
Wixii Jabarti lagu faani jirey jeesna laga waaye.

Jamaamiyo Garoowiyo Marqaan, jinawga Buuhoodle
Hubka kii Jabbaan lagu ridaan, jeer la dhacayaaye
Markii jaxarku weedhiyo ka naxay, jalalawdii taarka
Jarraajurrood buuqa iyo, Jiibab iyo Taangi
Jidka xamar woqooyiga u kacay jaahilkii mariye.

Jiidali iyo Eyl wixii, joogay soo kace'e
Jinbaa soo hor kaca maalintuu, jabayo Daaroode
Laamigii kolkii laga jaray, jara habaabeene
Rabbi baa la jira reer Isaaq, meelu joogaba'e
Waa niman Jamaamiira, iyo Jiic Maroodiyahe
Waa Johorad xoogliyo Libaax, jeenyihii qaba'e
Kolka goob dagaal lagu jiraa Jibin la moodaaye.

Gobanimadu waa Originale
(1), joomihiyo tiirka
Jirdaa iyo lafaha waxannu nahay Buurti JebelQaafe
Kolkii jilibka laysula dhigay, jilicsanaadeene
Jidbaaliyo sidii Raydab-Dhuub Jaanta lagu gooye
Teeriyo Nugaal iyo Jigjiga, Jimicsi loo diidye
Jaankii baddiyo Caynabaa, laysku joogsadaye
Jiidaha Hargeysiyo Burcaan jaadha ka hayaaye.

Waa niman nabsigu waa jiraa, jaar ka buuxsadaye
Kuwii diinta Jiinjaye
(2) beddeley Jiinka iyo wowga
Ee shicibka Jaanjaamiyaa Jaanis
(3) loo helaye.

Rag dagaalka juuno ah ayaa, jiitin weyn dhiga'e
Jailkiyo Istoodhada
(4) wixii, jiifay laga saarye
Jeermaannadii naaxay iyo jiimbarkiyo Eyga
Judhii waxay dileen Faalso
(5) iyo jeexa kii galaye.

Jeegaanta dhiigiyo didmada, jeedha dhan u yaacye
Jidhcastiyo addoonkii la madhi,  jidhifta weynaaye
Jeeraaradii bay baqaha,  jagac ka siiyeene
Jalaadkiyo cabaadkii ka baxay, jawda lala yaabye
Janankiyo Birgaydhada runtii, jooga laga waaye
Jigta danabka Kaaraha markii, Jaynka
(6) laga gooyey
Ee loogu jiifsaday maalintii, jeerinkiyo ayda

Juucaanka gaajiyo harraad, jaaqulkiyo oonka
Jungalkiyo
(7) bartii baa la dhigay, Jinici duullaane
Jirridii na boobtiyo, Cadceed
(8) looma jiidh nixine.

Iyadoo jinsiyad loo xarbiyey, Jaawa dhicinteeda
Jabhaddiyo xisbigu waa kuwaa, joojay calankiiye
Jinawgiyo Karuurkii qabsade Jaammudka lahaaye
Xukunkii jariiriga dhaqsaa, loo jannabayaaye
Jamhuuriga cusubi maamulkii,  jaarisoo wadoe

jiriiddada Afweynaa ka ruqay, jaahi gubayoow e
Mar jaraaid Ruushkiyo qarbigu, qorayey joornaalka
Jarmalkiyo Talyaanigu warkuu, jamac ku weydiiyey
Jawaabteeda muu qiran rag waa, kugu jujuubaaye
Jeesjeesigiyo bay arkeen, jaarri dhididkiiye
Jalaalaynka beentu dibna jiilka ku lahaaye.

Jareexiyo Dhulmahantoow murtida, idinku soo jeedda
Waxay godobtu jeebkiisa tahay, Jeedal dheeraha'e
Duqiinnaa janjeedhsaday kolkaad, shalay u jaamaysay
Aad Jaalle Aabboow lahay jiidashiyo qaabka
illeen waan u jeedaye halkay maanta iga joogto
janjadh amarkay waa nagu gefteen jiidh addoonsiga'e
--------------------

(1) Original = Asal
(2) Jiinjay = Beddelaad
(3) Jaanis = Fursad
(4) Istoodhada = Bakhaarrada
(5) Faalso = Kabtan Faalso wuxuu ahaa Gaadhaanle haystay Qaybta Boliiska Burco oo 1988kii lagu dilay Burco
(6) Jayn = silsiladda (Kaaraha)
(7) Juungal = Jiqda (ayda)
(8) Cadceed = Kornayl Cadceed wuxuu ahaa Taliyihii Gaaska Togdheer oo May 1988kii Burco lagu dilay isaga iyo ciidankiisii.

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com