Qoraal (Written)

  J i i d h a

  Q u r j i

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  J i i d h a

  Dagalkii "HAYE"

  Qiiro-Dagaal 

  Colaad-(Ma dhamma)

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
 

 Cismaan Axmed Faahiye "Afcadaawe"

 

 
 

  Habar Jeclo

 QURJIILE (Haye)

  Geeraarkan wuxuu Cismaan ka tirshey dagaalkii "Haye" ka dhacay 1983kii ee ay ciidamadii Faqashta oo Dhulmahante hor kacayaa ay ku qaadeen beelaha Habar Jeclo Bari. Geeraarku wuxuu ka sheekaynayaa goobihii la baacsanayey ee marba laga saarayey ee ay baqahoodii  buuraha bannaan u moodeen markii laga bili roonaaday
 

Geeraar baan qodobkiisiyo,
Qiyaas looga hadlaayiyo,
Qaafka uu ka bilaabmiyo,
Qaroomayskiyo luuqda,
Qaari weyn ku ahaayoo,
Qashiinkaan garanaynin,
Qunaashkuu ka dilaayoo,
Iyadoo qodaxdii iyo,
Qoriinshiba ku yaalbuu,
Isla soo qotonshaaye.

Maalintaan Qushi maago,
Hubka qaarka? la moodiyo,
Qalxadaan ka ridaayoo,
Qaafiloo i dhegeystoo.

Ilaahbaa quwaddiisiyo,
Qorshihiisu socdaaye,
Inta aan qorraxdaa iyo,
Qamar nuurta la waayine,
Qiyaamaa ka horraysa,
Qarnigeenna la joogiyo,
Qaarkaloo dhalan doona,
Warkaan qaata idhaahdo,
Taariikh loo qabanaayiyo,
Qoraal weeye u yaalla.

Dhulmahantoow qalbilaawe,
Nimaankaanu qaddiimkiyo,
Qaryadoo wada taalliyo,
Qaadhaankaan ugu deeqiyo,
Qaybwadaagta lahaynoo,
Maruunbaabad qiyaamiyo,
Qutaabays ku kacdeenoo,
Quruxdii nabadii iyo,
Qaynuunkii jebiseenoo,
Sidii ruux la qabaafashay ,
Maruunbaabad qammaadiyo,
Xamar aad qabateenoo,
Quraafaad iyo beeniyo,
Qudbad aan run ahayniyo,
Afqaqaable siyaad iyo,
Qadiijaa maqasheenoo,
Qabbbaankooda tihiinoo.

Rag qalloociyo maagiyo,
Qadaf waysku dilaaye,
Qabkii Jaamac Siyaadiyo,
Barkadkii Qarribnaa iyo,
Ergo quudka ardaagiyo,
Qolqolkooda ku laayiyo,
Garaadkii qummanaa iyo,
Qanjidhkii Odalaad iyo,
Qayaad reerka Docmood iyo,
Qabiilkii Hagar Aadane,
Qayuurkii Ina Daad iyo,
Kolkii Quulle la toogtay,
Qoyska Reer Cali sheegta,
Qajilee ka baqaayiyo!
Qaalidkii Habarwaa iyo,
Askar loo qolo soociyo,
Qalamaayo kaleetiyo,
Siyaadoo ku qudhaadhaa,
Weerar noo qabanqaabshey
Oon Qatawaarinayaayoo.

Qaydarkii Haye-Weyney,
Qabaar soo bixiyeenoo,
Quraankaa Rabbigay iyo,
Qulacuudu ku dhaartaye,
Qaran weeye jabaayoo,
Markii laysugu qaadaye,
Qabax Buura-ka weyniyo,
Qiyaastiisiyo shiishka a,
Qasab loogu muqunshoo,
Qaddar bay kibirkii
Iyo qalabkiiba dhigeenoo
Baqahay qabacdii iyo
Qaraan doojinayaanoo,
Qututuux laga waayo
Kuwii loogu qurruufaa
Dhurwaagii qataanaay iyo
Qaydhiin Xuuri ku boobtoo
Kolkaasay qasifmeenoo
Qunyareey Abtiyaal!
Awalbaan qadanayn!
Siyaad baa na qisaasiyo!
Qaylo dheer ka kaceenoo!
Qiraal weeye midhkaasi.

Inteebaannu qaddiimiyo,
Ragaan loo qumahayniyo,
Qureesh aan la marayniyo,
Qalanbaawi ahaynoo,
Inteebaad qoto baas iyo,
Waxaan qiimo lahayniyo,
Qabar baas u badheedhaan,
Qatar kaaga digaayey!
Libaax waayo qadoodoo
Qaararkiisu goteenbaad,
Qammuunyaysiga xooggiyo,
Qajajaa miciyaa iyo,
Qawdhankii maqashiiyoo
Kolkaasay ka qaxeenoo!

Qararrooyin agtoodiyo
Qudeerbaa laga saaroo,
Qorigay jillibkii iyo,
Qadhoomaaba rujeenoo,
Imikay Qurjigii iyo
Qabaar jiidanayaane,

Eraygaa yara qaawan,
Qari baan islahaaye,
Nimankii Qorre joogaan ,
Iga qaadanahaynoo,
Haraadbay qarfadii iyo
Qadhaabkii ku dhinteenoo
Qudhicii nabarkiibay
Qudhaanjaysanayaanoo!
Sida Qaylka Dameerka
Qaalin layli ah weeyoo!
Qadaadkaan ka raraayoo!
Nin qayrkiisa la xiiroo
Qoysan waayey dabeeto
Qaabka aad tahay weeye!

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com