Qoraal (Written)

  Daarood-ku-xaar

  Waan layla maagin

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

 
     

 
Silsiladdii Daarood-Ku-Xaar
 
 
 
Silsiladdii
Daarood-Ku-Xaar
Cilmi Warsame `Cilmi Liig`
Max`d Kaahin Feedhoole
Max`d Aadan Caws `Yawle
Cismaan Indhoole
 

Cilmi Cabdi Warsame "Cilmi Liig"

Gabaygan waxa tiriyey Abwaanka la odhan jirey Cilmi Cabdi Warsame oo ku magac dheeraa "Cilmi Liig". Gabaygani waxa abwaanku ka tirshey oo uu sida la weriyo ugu horreeyey silsiladdii la magac baxday Daarood-ku-xaar ee ka dhacday duleedka Gaashaamo xilli ku aaddan 1942/ 1943 kii.

Dagaalkii labaad oo soconaya waatii Talyaani ku duulay Xabashi ee kala kulmeen jabka weyn. Dagaalkaas Talyaaniga waxa ka mid ahayd askar badan oo Soomaali ah. Dabkii uu Talyaanigu qubay waxa ka faa'iidaystay beelo Daarood ah oo Ugaadeen u badan kuwaasoo wixii ay saanad heleen kula soo dhaqaaqay deegaannada Isaaq, siiba beesha Habar Yoonis.

Koox ka mid ahayd askartii Talyaaniga oo u badan Biciidyahan (Majeerteen) iyo beelo ugaadeen ah ayaa dumay ciidan 300 gaadhaya oo beesha Habar Yoonis oo warma-qabto ah ku galay agagaarka Dannood illaa Gaashaamo. Ciidankani waxay gacanta ku dhigeen geelal aad u lixaad leh oo nabad ku daaqayey deegaankaas kaas oo ay kala didiyeen dhallinyaradii geelasha la joogtay.

Waa laysu qayshaday, wixii dab (hub) la hayeyna waa la isu keenay markaasaa talo jilbaha loo laabtay. Waxaa talo lagu gaadhay inaan geelaa laga dabategin maalintaas laakiin habeennimo la dul dego oo marka subaxdii caanaha laga maalo weerar lagu baadho. Kooxdii dhaca geysatay oo malaha aan filanayn weerar xoog leh ayaa habeenkii seexday subaxdiina sidii geel ay leeyihiin ayaa nin waliba dhawr Hadhuubgaal oo caano ah isku xaabiyey. Iyagoo sidii Gafane dhiig hiraabtay caanihii calooshooda hadba doc ula dillaamayaan ayaa afarta gees laga galay oo rasaas lagu maansheeyey. Illeen waa rag caano ka dhergaye cararkii baa xitaa u suurageli waayay markaasaa mid walba marka xabbaddu cuskato ayuu sidii geel qasaal ah isku xaaray.

Cilmi Liig oo raggii gabyaaga ahaa ee meesha marayey maalintaas ayaa la weydiiyey bal inuu mushkiladdan ka warramo markaasuu yidhi "Allaylehe waa Daarood-ku-xaar" markaasuu gabay dheer halkaa ka tirshey. Silsiladdan waxa ka qayb galay rag badan oo abwaanno ah oo ay ka mid yihiin Yawle iyo Maxamed Kaahin"Feedhoole", Cismaan Indhoole. Gabayga soo dhammaystir.


Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene
Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye
Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.


Waxa ku deeqay: Ahmed Ismail jama

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com