Q O R A A L

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya

Ha muquurin...

 

 

 

 

 Digaale Jaamac Max'ed

(1880 - 1995)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry


Warkaa dhimay

Beri uu Digaale socdaall ugu tegey reero ay xidid ahaayeen oo degganaa Yagoori agtiisa ayaa loo sameeyey martiqaad iyadoo loo diyaariyey afar nin oo gabyaa ah. Markii uu madashii yimid ayuu gartay in martiqaadku shirqool yahay. Gabayo badan oo goolaaftan ah oo kan soo socdaa ka mid yahay ayuu mariyey abwaanku. Wuxuu yidhi Digaale:

Libaax waaya badan qaday hadduu, weyne kugu keeno
Ma wahsado e booddada hadduu, wax isasoo moodo
Waafeerka jeeniga hadduu, wiiqa kaa geliyo
Warkaa dhimay cantuugada hadduu waali kuu hudho e.

Waadiga dareewuhu hadduu, wadayo Baabuurka
Waddaa loo sameeyaye hadduu, waaydh u soconaayo
Oo hoonku wiiq leeyahay, aad weecashada diido
Warkaa dhimey hadday taayiradu kugu waregaane.

Nin walaale dhowra leh haddaad, hadal ku waaxwaaxdo
Warkaa dhimay aroortii haddii weerar ku yamiye

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com