Q O R A A L

 

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya

Ha muquurin...

 

 

 

 

 Digaale Jaamac Max'ed

(1880 - 1995)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry


Mar ay Beesha Biciide shir isugu yimaadeen Fadhigaab sannadkii 1969 si ay uga tashadaan arrimaha doorashada ayaa e Reer Iidle iyo Axmed Faarax isku raaceen in ay codka siiyaan Moxamed Xaaji Ducaale (IHN). Digaale oo Ceel-Afweyn Jooga ayaa warkii loo sheegay in Bah Farooyo isku raacday Maxamed X.Ducaale. Bah Awalna Saalax X .Xasan dooranayso, Boho iyo Bah Muxumud iyo Udurxmiina dooranayaan Michael Mariano. Digaale arrinta Ba-Farooyo shaki buu geliyey isla markaasna tixaha soo socda ayuu mariyey :

Waxuu yidhi:

Nin abees dabagoos ah,
Halaq goonya madow,
Gacmihiisa ku qaadoo,
Ku gam'aaya la waa!

Nin maroodi ku guuroo,
Gurgurshoo suradshey
Oo gole keena la waa!

Nin libaax gadhxadiisa,
Gadhka soo qabanaayoo,
Gawracaaya la waa!

Wiyil geesaha taagtay,
Nin gardeele ku maaloo,
Soo godlaaya la waa!

Nin Reer Iidle geddiisa,
Axmed Faarax gartiisa,
Ka gun gaadha la waa!

Waa dabaysha galaangaloo,
Marba gees ka dhacaysa.


Sidii uu saadaaliyey ayay noqotay oo saddex beri ka dib ayaa Maxamed Nuur Ammaan looga yeedhay Hargeysa oo la doortay . Boh oiyo kooxihii raacsanana waxay soo saareen Michael Mariano.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com