Q O R A A L

 

Dilkii Cali Guun

Warkaa dhimay

Celiya reerkayga

Ammaan Faras

Fawd(Geeraar)

Murti qubane ah

Gu'baa dooxa biyeeya 

Ha muquurin...

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Digaale Jaamac Max'ed

(1880 - 1995)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry

1969 ayaa Maxamed X. Ibrahim Cigaal socdaal ku soo maray Garadag. Digaale ayaa loo sheegay inuu diyaariyo gabay lagu soo dhoweeyo Ra'iisal Wasaaraha. Hadaba waxaa dhacday sidii uu Digaale u sugayey ayaa Siciid Ayaanle lagu soo dhoweeyey cod-baahiyahaii oo gabaygii soo dhowaynta ku dhwaaqay. Digaale intuu xanaaqay ayuu Xasan Kadinmaal oo faras haystey ku yidhi: "Ina-adeer ii dhiib faraska an laba goor soo rogee" asna Waa dhiibay faraskii. intuu faraskii soo hor taagay madaxdii ayuu yidhi:


Annagoo Dalya joogna,
Dayri geedo ma saartee,
Gu'baa dooxa biyeeya,

Aan daba weyoo faraskayga?
Dun xariiriyo shaal,
Inta aan ku damsiiyey
Oo uu mar dakaamay,
Marna uu ila duulay,
Marna daafta maraayoo,
Digaalowdu baxaysaa,
La i daawan lahaaye,
Meeshan laygu dulleystey,
Dumarku yaanay ku daalin,
Anna yaan ku dan seegin.


Markaasuu faraskii dib u rogaalay oo intuu jeedalka ku dhuftay ka soo dhaqaajiyey ilaa Ceel-Afwein.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com