QORAAL

  Darod-ku-xaar

  Ha lay Dhoofsho

  Tallan

  More

Kaahin Feedhoole
Habar Yoonis  

Kaahin oo ahaa nin da'weyn ayaa wiil dhalinyaro ah oo geela raaci jirey ayaa beesha ka dhintay. Wiilkiisii Maxamed oo ahaa gabyaa caan ahina hawlo kale oo reerka ah ayuu ku mashquulay markaasaa odaygii da'da ahaa iyo geeli isku soo baxsadeen oo ay ka maarmi weydey inuu kadin dhan raaco.
Kaahin Feedhoole oo tibaaxyaa da'da uu joogo ee geel la raacsaday ayaa gabay uu kula hadlayo wiilkiisii Maxamed Kaahin Feedhoole ku yidhi:

Tallan baan qabaa Maxamedoow, iyo taawil gooniyahe
Toddobaatan baan jirey haddaan, tiroba dheerayne
Haddaan timaha guudkayga sare, tin i madoobayne
Tallaabo iyo orodkii ninkaa, tiicayaan ahaye
Taws iyo xanuun waa waxaan, dhab ula taahaaye
Tooraha aroortii haddii ay, taagga kor u dhaafto
Tartan iyo ninkii orod hayaa, Taani soo roga'e
Taaggaas an leeyahay haddii, Tooyad la i raacshey
Oo aanan tudhaaleba sugayn, tacaddi mooyaane
Waa talo Ilaah leeyahaan, laga tallaabayne.


Maxamed Kaahin waxa u muuqday inuu tawaawaca aabbihiis ka tiraab cesho markaasuu yidhi:

Dabuub gabay haddaad Kaahinoow, adigu daardaartay
Anna daba-galkiisaan aqaan, deelka maansada'e
Dibnihii tiraabana rag waa kaga danbeeyaaye
Anigana dabuubtayda maqal, waan ku daaficiye

Daalka iyo dhibtaad sheegatiyo, dogobka aad jiidhay
Dabayshaad wareegtee harraad, ugu dayoobayso
Dadku Aabbo waa kula qaba, dunida joogaaye
Dunidaba nin seexdoo ma jiro, doobi dhamayaaye

Darbaa kaa gu'weynoo la mara, debedda eeyaaye
Dubboow Nuur Cadduur maalin qudha, Deex ka hadhi waaye
Dumarna waa kaa ka haayirey, iyo damaci naagoode
Iyana Diiriye iyo Xaashi way, daajiyaan Sulube

Dareertiina subixii kabtiga, kama danbeeyaane
Dirka Maxamed Deeq waad ogtahay, duudda uu dhalaye
Difisyoone idil waa ninkaa daadiyee qubay'e
Mana diro'e waw taagan yahay, doogiyo abaare

Ma dayaco habeen Haybe Nuur, sidigta Dawlaabe
Dumar wuxu ku biirshaba ma jiro, rag u duggaashaaye
Degmadeenna oo idil haddaan, dayey intaan eegay
Duqa geel u feydani ka badan, dooggan soo baxay'e

Da'daadaa adduunkaba wadiyo, daan cirroolaha'e
Marse hadaanad daar iyo lahayn, doonni iyo Moodhar
Oo dheef Ilaah kuugu daray, waxan dareeraaya
Waa kuu dan li'i raacisteed, waxad ku diiddaaye

Marse haddanan dhaan kuu dirayn, ceel u dalandoola
Duleedada ku celi geelu waa, dawlad goonniyahe
Dubjirkana ka hoy hawsha kale, kaaga debec roone.

 

MAQAL

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com