Q O R A A L

  Power

  Libinta Geeraar

  Xubin gobeed

  Ammaan geel

  Laandheere

  Adyad waxa leh

  Rag cadaalad..

  Aaraarta gabay

 

 Faarax Laanjeer (1910-1972)

  Reer Raage, HJ

Somali Poetry


Power


Gabaygan waxa uu u marshey abwaanku nin ay isku jiidheen Hargeisa isagoo jooga xilli aan ku qiyaasnay 1950-meeyadii. (Gabaygu ma dhamma) Belaayuu saxeexaa Benderi bog isku laabaaye
Bakooradaha qoolaaban iyo baaraxaa hodaye
Waxa laygu baaqbaaqayaa beelo nabadeede

Goortaan bashalaq dhiig arkiyo boogto iyo weerar
Baacaan saruu bixi jiraan power leeyahaye
Birta sulubku biixida lafaha waa burburisaaye

Billad geesidii baan sitaa Bari raggii yiile
Bad Xawaaladaa Dooni iyo beder ka dhoofaaye
Biirooyadaa lagu maraa baaxadsooraha'e

Bunji iyo Shiraaq Mawjadaha booda ma xejaane
Berrigay tubnaayeen intii Baxarku qooqnaaye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com