QORAAL

  Somali waa daallin

  Toban ummuurood

  More

  More

Sheekh Ismaaciil Axmed Barre "
Biciide; (HJ)  

Sh Ismaaciil Axmed Barre, Sh Ismaaciil "Kolan" waxa uu ku hammiyey waxyaabo badan oo uu islahaa aad soo taabtid, sida gabayga ka muuqatana uu rumaysnaa inuu hayey waddadii uu arrimahaas ku suurtogelin lahaa. Gabaygan dooraalayaal ayaa ku magacaabay nin kale laakiin sidii sheekhu gabay kale ku sheegay waxaynu ka soo qaadaynaa Doofaarro iska ciyey ama sida Sheekhuba gabay kale ku lahaa "Waa neef dameera oo ka ciyey, dugagga reeraaye"; Wuxu yidhi Sheekhu Eebbe ha u raxmadee (1);

Xalay waxa isniintii i helay, toban ummuuroode
Asal gama'na ways idhi, haddana uurka kama seexan
Indhahana ma kala qaadihayn, aragna way muuqday

Afka kama dhawaaqayn haddana, aammus ma an yeelan
Ogaan uma qoslayn oo haddana, iligyaday muuqdey
Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogey

Albaabbada dushaasaan ka jirey, aqalna waan jiifey
Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan, ku ag wareegaayey

Onkod iyo hillaac roobna waa, nagu itaaleeyey
Ufo dhibicdu may wadin haddana, ooduhuu lulayey
Awaarii ma nabin oo haddana, wuu anfacay kaynta

Anfariir xaluunbaan hurdada, oog la soo kacay'e
Illinkaan tallaabada ku waday, waan abbaarrahaye
Meeshaan abraarada ku tago, aakhir bal an dhawrno.

___________________________

(1) Waxan ka qornay: Suugaanta Dugsiyada Sare, Fasalka 2aad.
WW & Barbaarinta, Xafiiska Manaahijta, Mogadishu, 1984.

MAQAL

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com