QORAAL

  Somali waa daallin

  Toban ummuurood

  More

  More

Sheekh Ismaaciil Axmed Barre "Sh Axmed Kolon"
Biciide ( H. Jeclo)  

Beelo dhawr ah iyo rag xoog leh oo Habar Jeclo ah ayaa ku biiray Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan kuwaasoo in badanoo ka mid ahi ka mid noqotay Qusuusida wadaadka. Sheekh Ismaaciil Axmed Barre wuxuu ka mid ahaa culimadii Saalixiya ee la safatay Ina Cabdulle Xasan. Waagii Daraawiishi jabtay ayay Sheekha dani yeelsiisay in uu ku soo noqdo beeshiisa oo deggan koonfurta iyo Galbeedka Sanaag. Sheekhu wuxuu la kulmay afxumo badan iyagoo dad badan oo caamma ahi ku eedeeyeen inuu isagu Daraawiishta ku soo hoggaamin jirey deegaannadooda wixii loo geysteyna uu masuul ka yahay. Sheekhu markuu u dulqaadan waayey hafriinyahay demi waayey ayuu tixdan tirshey;

Nimanyohow diihaal ima hayee, waxan la diifoobey
Ay cududahaygu u dubmeen, ummal daraaddiiye
Waagii dillaacaba afxumo, iga dul yeedhaysa
Iyo hadallo deebaaq ahoo, la igu daansheeyey
Darandoorrigaasaan qabaa, sida dabayleede
Dan la'aanta aadmiga kuwaa, dacafka taagaaya
Duubleydu waxay geysatay, iigu dudayaane

Ma anaa wadaadkii ku diray dunida laaynaayey
Waa tuu dariiqadda makiyo diin u haajireye
Isagoo derderan ma anigaa dib uga soo laabay
Dekeddii Berbera ma anigaa dalaq ka soo siiyey

Badduu soo dul maray ma anigaa doonnida u geeyey
Dafdaftuu layimid ma anigaa dabajintii geestay
Ma anuu dabeec iiga helay, dab iyo Maadhiinka
Jiidali ma anaa deg idhi degelladuu saantay

Docmo iyo Nugaal ma anigaa daaro ka ekeeyey
Derbiyaduu rakibay ma anigaa dul iska saarsaaray
Maa anaa fardaha duulaya iyo daabbadaha siiyey

Ma anaa colkii soo dunnaa, dowga marinaayey
Ma anaa raggii degelkan yiil didiyey geelooda
Daaroodka maanaa ka dhigay dooxata miidhan

Deris iyo laftiba reer Isaaq dakharraduu yeelay
In aan diido, inaan daaya adhi, inan digniin geeyo
Haddii aanan daaldaaladkaas, daaqadba u haynin
Daalaca la ii raacay waa, mid iga diimmoone
Haddii uu dacwiyey uunku sow, iguma daw waayin!

Soomali waa daallin aan derejo eegayne
Dariiqyada bannaaniyo sharciga ha iska diideene
Sidii xoolo doog helay hafriin, igula daaqeene
Denbi ha iga qaadeen xanbay, daanka dhigayaane
Kolla haddaanay deyneyn waxay, kala dabeebeyso
Oo aanay deyn kama qabo'e, dux iga qaadaynin
Waa neef dameeroo ka ciyey, dugagga reeraaye
Ninkastaa dannaanni ha shubee danu bax soow maaha!

 

MAQAL

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com