Q O R A A L

 

Geeridii Olol

Kala haleelowye

Sifayn Dumar

Saddex wayga...

 

 

 

 

 

 

 

Shire Axmed Faarax

(Shire wiririf )

HJ - Biciide - Basanbuur (Waadhawr)

Somali Poetry


Shire Axmed Faarax (Shire wiririf) ayaa gabaygan gaaban ka tiriyey geeridii Jaamac Olol (Boho) oo Naalleeye Axmed (Dhulbahante) dileen sannadkii 1936kii. isagoo guubaabinaaya Boho (Biciide) una adkaysan waayey gabaygii uu dilkaa ka tirshey nin la odhan jirey Waraabe Guje oo ku faanaya dilka Olol ayuu Shire yidhi;

Guje waxuu ku geeraarayaa, geeridii olole
Anna waxan gabyi lahaa haddaan, gibil I saarrayne
Garbahay ka taagtaagayaan, gees biciidada e
Guntigay ku haystaan rasaas siday, goob la sugayaane
Gacantood go’daye libinta way, igala gaabsheene
Maxaa idin gabbaanaday gashiga waw gudboonnahaye ?

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com