QORAAL
Biri-ma-geydo
Gabay Guhaan
 
 
MAQAL
Biri-ma-geydo
Culimadii Laaran
Alla-Gawrac
 
 
 

 

 

Dulmar Suugaantii Xaaji Dallaayad (HY)
Xaaji Maxamed Guuleed "Dallaayad", Ilaahay ha u raxmadee, wuxuu ka mid ahaa abwaaniinta Soomaalida ugu magaca iyo maamuuska weyn. Xaajiga oo qiyaasta dhashay xilli u dhaxeeyey 1900 - 1905 tii wuxuu lee yahay murti aad u badan oo meelmar noqotay hayeeshee inteedii badnayd waayuhu dabooleen oo aan la haynin.

Xaajigu wuxuu caan ku ahaa oo Soomaalidu ku tiqiin gabay-guhaanka oo aan cid sidiisa wax ku naafaysay illaa hadda la hayn. Xaajiga oo "Tuf iyo karaamo" Eebbe siiyey dadka iskama guhaami jirine ninkii dadka looga taag waayo ayuu Ilaahay idamkiis awaadhi jirey marka uu damco inuu qof yoolka saarona,Ilaahay idamkiis, waa la arki jirey. Waxa suugaantiisii cabsidu ku dheehnayd ka mid ahayd abhis iyo digniin uu dadka intooda dhibka badan ku baqo gelinayo.

Sida hororka buuraha galee wax isku haameeya,
Ama halaqa duuduubaneen , heyda lala gaadhin'
Haabhaabad baan ahaye, hay hor yaacinae.


Asagoo nin uu u gol-lahaa u duurxulaya isla markaana digniin u jeedinaya waakii mar kale lahaa.

Rimay naaxday iyo goolalbaan, raarta ka arkaaye
Haddaan layga ridin waa wiigaggaan, riixan jirey qaare.


Digniintaas ka dib qofku ama wuu is gartaa oo gefkuu ka joogaa ama waxa leefta seefta Xaajiga ee aan seegatiinka lahayn (Ilaah idamkiis).

Rag badan oo uu ugu talo galay inuu sida libaaxa dhufsado ayaa niman tolkiis ahi caadaysteen inay kaga dhaartaan asagoo arrinkaas ka cabanaya oo nin uu dhoollaha gelin lahaa lagaga dhaartayna waa kii lahaa;

Dherijebiye gee baan lahaa, dhagaxda Laasgaalle
Jiilaal dhacaayaan lahaa, gaajo haw dhimanne
Dhuuntaa ka nuug baan lahaa, dhuuxa yuurura'e
Dhoollaha nuglaadaan lahaa, dhiigga ku adkeeye
Dharaarana masruufsaan lahaa, dhabarradiisaase
Anigoo dhulkii ka hinjiyoo, lana dhaqaaqaaya
Ayaanbaa tolkay way dhibee, igaga dhaarteenee
Magaaladan ninkii aan dhuftaba, layga dhicinaayo
Sow inaan dhabbaha haarriyoon, dhaanka raro maaha.


Nin GUdabiirsey ahaa oo Aadan Yoonisla odhan jirey oo bileyskii Ingiriiska ahaa ayaa magaalada Hargeysa ku dhibay dad uu waayeelku u horreeyo. Tukubayaasha odayada iyo islaamaha da'da ahi sabarka ku adkeeyaan ayuu si arxan darro ah uga burburin jirey oo caan ku noqday. Aadan wedkiisaa galaye maalintii danbuu Xaaji Dallaayad oo bakoorad tukube ah wata ayuu farta ugu yeedhay si uu uga jejebiyo. Xaajigii Baakoortii ma dhiibine intuu isagu jejebiyey ayuu gabay dheer halkaa uga tirshey ninkii Aadan ka dibna dib looma arage mawdkii baa haleelay sida la sheego. Gabayga dheer ee uu u tirshey ninkaas Waxa beydadka uu ku guhaamayo ka mid ahaa;

Dhaaxaa mid goolaaftamay, oo goostay noo yimiye
Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadiiye.


Gabay kale oo uu daad ku guhaamayo niman tujaar ah oo reer Hargeysa ah oo uu ku jirey Caydiid Lafcanbe waakii asagoo daadkii darawalinaya lahaa gabay ay ku jirtey.

Daadkii wadaadkii dilow Diiriyaa haraye
Waan kuu duceeyaa markaa daallim jiiddoba’e
Adigaan askeri dowlo iyo cidi ku doonayne,
Xaajigan daciifka ah intaad docadocaynayso
Diihaal gabowdaa fadhida damasha waaweyne
Isaga Aw Dawiil dacal ka dhaaf kuumabaan dirane
Laf-Cambena duqee waysku diir labada doofaare.

Idamka Alle labadii nin ee uu Xaajigu carrabaabay waxa hantidoodii dhufsaday daadkii uu Eebbe uga baryey.

Nin Cabdalle la yidhaahdo oo Toljecle ah ayaa Xaaji Dallaayad kula kacay wax aan laa'iq u ahayn oo laga gubto. Xaajigu wuxuu ninkaas u isticmaalay aaladdii Eebbe ku manaystay asagoo gawrac ku habaarayana waatii la arkay ee uu lahaa;

Cabdalloow tus soo joogsadoon, tiixin baad tahaye
Toljeclaba waraystoo wuxuu, taray la soo waaye
Tagooggaaga wiilkaa ku jiriyo, kanad taxaabayso
Kuma tiirsho wiilaad dhashoo, taabba qaadihiye
Allihii tunkaa kaa kirkiray taana kaa mariye.


Ragga qaniinyadii Xaaji Dallaayad u soo dhacay waxa ka mid ahaa nin kale oo Xaaji ahaa, Gaballoosna lagu magacaabi jirey oo ay isku raas ahaayeen (Kaliil Isxaaq, HY). Xaaji Gaballoos sheekhnimada waxa u dheerayd aftahannimo iyo maal wuxuuna is biday inuu wajihi karo Xaaji Dallaayad. Labadan Xaaji waxa dhex martay silsilad-suugaameed muddo socotay oo sida la sheegay bilaabantay mar uu Xaaji Dallaayad Jabouti ugu tegey Gaballoos iyo rag kaloo ay qaraabo ahaayeen. Gabayada kale intaynaan dhex gelin, bal aan taabanno aakhirkii halka gabayadoodii la galeen.
Xaaji Dallaayad markuu iska sixi waayey Xaaji Gaballoos ayuu tiriyey tix uu ku siinayo digniin kama danbays ah isagoo xasuusinaya in Ilaahay ku mannaystay "tuf" aan surmo-segto lahayn oo dad oo idili uga danbeeyo. Gabaygaas waxa erayadiisa ka mid ahaa;

Tukri waayo jireybaan ahaan tin u madoobayne,
Toddobaatan waxa iiga dhiman tiro an fiicnayne,
TUfta iyo karamaada horaad igu tiqiinniine.


Xaaji Gaballoos oo gabaygii Dallaayad dheeldheel iyo dhalanteed afka baarkiis ah isaga qaatay ayaa gabaygaas ka hal celiyey isagoo weliba weerar qaawan u geystey Xaaji Dallaayad. Gabaygaas jawaabta ah waxa ku jirey;

Toddobaatan buu jirey oo weliba taarik ku ahaaye
Tufta iyo karaamada xaggee lagaga soo tuuray.


Xaaji Dallaayad oo gantaalihiisii guhaanka ahaa cabbaystay ayaa Xaaji Gaballoos gabaygan ku awaadhay, waxana la sheegaa inuu Xaaji Gaballoos warankii Malakul-mawtka lagu muday wax yar ka dibba. Arrimahan Ilaah baa qaddaray kuna shaqo leh mar walbana waxaanu leenahay Xaaji Dallaayad wax walba idamka Alle ayay ugu dhici jireen ee ma ahayn wax uu awood u lee yahay:

Xaaji Dallaayad wuxu yidhi.

Nin haddii uusan qaaluu aqoon, qaari'se is moodo
Qusur labiyo toban baac ah, buu qoorta geliyaaye
Waa wixii Fircoon lagu qarraqay, qiil daciifihiye
Qawdii ka yeedhay Kancaan, dhiruhu qaysheene
Qasif iyo halaag bay muteen, qoonki taabacaye
Qaalifu sunniyo waxa ku dhacay, qadab ilaahaye

Mar haddii Quraankiyo naxwaha, laga qisoonaayo
Qudbi baxara lama doodi karo, qalin-ku-duurruuye
Anna qawska gabaygaan ahoo,layma qaabilo'e
Qoolbuu daf yidhi Xaajigii, Caliyo Quullow'e
Qaddarkaan cagaha ugu ridiyo, dabinka qoolaaban
Caawaba hadduu qaari yahay, hayska soo qodo'e

Qaadka iyo fooxii beryahan, kuma qalaawayne
Sidii qaaddigii loo qabtee, loo qar dhigay iilka
Qabuuraha sidii loogu guray, qaar an garanaayo
Qaniinyooyinkaygii horaa, qaar u soo dhacaye
Isaguna qandhada wuxu u dhiman, qabawga Jiilaale.



Xaaji Dallaayad oo suugaan baaxad weyn lahaa waxay isu gabyeen rag kaloo gabyaa waaweyn ahaa oo uu dariiq cad marsiiyey. Gabayaagii Cabdi Gahayr ee Ciidagale ayaa ka gabyey dhaawacyo ay isu geysteen geeljir Isaxaaq iyo Ciidagale ahaa. Ciidagale oo Baha Ismaaciil ah ayaa geel badan laga xareeyey shilkaas ka dib. Isagoo kiiskii lagu qaaday qolada Ciidagale ka xun ayuu Cabdi Gahayr marshey gabay uu Isaxaaqa ugu goodiyayo oo ay ku jirtey.

Nimankaa Bancawl iyo fadhiya, Beeratiyo looya
Habar Yoonisbaa bari ka iman, haw biniixina'e
Baqtigiinna ooy daydayaan, beri fog mooyaane
Bilaash weeye Muusa Cabdallaa, baashan soo degaye
Been bay idiin sheegayaan, nimanka beereede
Abtiyaal burkiinnaa cunoo, baaniso la'aada
Haddii kale bishaa Soonfureed, qiiqa baxa eega.


Jawaabtii Xaaji Dallaayad waxaa ka mid ahaa beydadkan soo socda oo aan gabaygiisa idiinka soo qaadnay.

Waxa baanisaa iigu wacan, waanan baqanayne
Badrad iyo isyeelyeelba, waa ii bannaan yahaye
Isaxaaqan badanee arliga, gees walba u baahay
Ee badiba Soomalilayn, baawarka u haysta
Waa been badbay soo galeen, bixina maayaane
Habar Yoonis oon bari ka iman, buuradkiyo xoogga
Anigoo Banyare jooga, baan kaa biyey jiraye
Ma ninkaagan bahardaadsadaa belo samaynaaya.

Berbera maalintay kugu qabteen, waa laguu baxaye
Bileyskii raggii kaa furfuray, haw buraanburine
Bash inay tidhaahdiyo inay, bururto mooyaane
Biriigaan miyay noqon kartaa sheelo waa buro'e.

Anigaa badhkay kaa jiraa, kaynta baadka lehe
Banaankaan xalaaleyeybaad, balaxsanaysaaye
Geelaan Bullaaliyo ku furay, barasankii hawdka
Birgeydhada haddaanaan ku layn bogi ma naaxdeene
Oo baarqabkiisii sidii, bahal ma guuxeene
Burdi weyne goormuu ku dilay, Bah Ina Geesaale.

Tixdan aan intan idiinka soo minguurinayna waxa ay la socotaa isla gabaygan hore oo wuxuu Xaajigu ugu gooddiyayaa Cabdi Gahayr oo daandaansiga bilaabay;

Sifaa gabayga waataan iqiin sababihiisiiye,
Sawdkaan idhaahdaba markii saadif laga qaaday,
Sokeeyuu siduu ii wacdiyey waan ka saahidaye,
Saakana ma sheegeen haddaan sababi ii geyne,
Nin sallaanka lagu jiidayoo sii socdaan helaye,
Ninkaagaa sallaxa yuururoow, waad sibiibixanne
Haddii aadan sees adag layn saaddanbaad lumiye.
Sida niman Sucuudiga qabtoo sabab ku geeryooday,
Ama qolo sun lagu tuuray ooy saacad kaga duushay,
Ama saajicii Ina Ammaan maalintuu selelay,
Sanca male Gahayroow ninkaan soodhka geliyaaye.
Salaan iyo Qamaaaniyo raggii sula ha joogteeye,
Sidayda nin sheekhoo cilmiga saxaya mooyaane,
Saddexlaa xaskuu kaga lumaa kamana saaraane
Sida Seyladdaa xoolahee uunku sare joogo
Sidrigayga iyo feedhuhuu saas u tubanyay'e

Waayadanba saaf lagama jarin, sararta Daauude
Iminkaa saraakiil tihiin, saatan la hayaaye
Imikaad sed dheeraadahiyo, sado cunaysaane
Sidaa maad ku deyn Ciidagale, Sulo ha daaqeene
Mise siidhibaan ugu dhuftaa, saaka Habar Yoonis
Nimankii saraayaha jeclaa, saamo haw tumine
Rag saruuradoobaa jira, oon la saxahayne
Saaxibkayoow yay ku marin seefta xooggaliye
.

Haddaad u baahato cajalad dhan oo ah qaar ka mid ah gabayadii Xaaji Dallaayad isla markaana aad hayso gabayo aan hoygan ku jirin, fadlan noo soo dir aan kuu soo dawinnee.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.