Qoraal (Written)

 Baroor (Haye)

  W  a   h  a  n

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Markhaati Caddana

  W a h a n

  Baroor (Haye)

  Dhambaal

  Danbaa tidhi

  C a b s i

  Sideebaa

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
 

 Xalleef

 

 
 

  Habar Jeclo - Axmed Faarax

  Baroor (Haye)

  Xalleef, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu gabaygan ka tirshey dagaalkii Dhulmahante lagu wiiqay 1983-kii ee ka dhacay "Haye". Dagaalkan abwaanno aad u badan oo hayb walba leh ayaa ka gabyey, tixdanna wuxuu abwaan Xalleef kaga warramayaa badraddii (Adyadii) loola yimi Habar Jeclo iyo baqihii iyo baroortii lala guryo noqday:
 

Basharyohow la dagay geesahaad, bayr ku leedahaye
Buushbaa wadnaha kaaga jira, baydad goonniyahe
Waa waxa bahdii kaala baxay, beer kiraysaniye

Maxaad Baabullaha aar dharaar, ugu badheedhaysey
Niman beer libaax liqay maxaad, buud u maqashiisay
baruurtaada goosha ah maxaad, bahalaw siisay

boqnahaaga seedda ah maxaa, bir u dhaweynaayey
Maxaa bawdyihii kaa jebshey, iyo biixiyii dhabarka
Baqtigaaga wadhan Raydabdhuub, ba'e maxaa geeyey

Ma baraarugteen Baynaxoow, baadi baad tahaye
Ma ninkii bilaa guursadaa, bigil idiin qaaday
Ma Baan baa laguu furay dorraad, booligii qaranka

Badarkiyo Galleydii miyaa, idinla buurraaday
Diintii miyaa uga baxdeen, baahidii sebenka
Ballankii miyaa oofiseen, Baadariga Roma

Ma billaahidii baad gubteen, baalashi Quraanka
Badrad iyo ba'naan iyo baqdini, maydin baabi'isay
Ma burburay barbaar iyo raggaad, biiriseen dhimaye

Bilcilkii Haye ee Aadan Carab, baqa ku dheeraaday
Balli-Lebile, Heegalahay, beden ku foofaysey
Bogga laba-Fariid-yare waddada, baasha kaga taalla

Banka Qudhac-Dhallaan iyo halkiyo, Buruci Goosaalle
Illaa Boodda dheeriyo Marqaan, Bowdka Lebi-weyne
Baalidhaye Illaa Toommo iyo, barasankii hawdka

Bogga Goray jidbaaliyo badweyn, laanta bacaroorta
Bohol iyo Kulaaliyo xadeed, ilaha Beerweyso
Baalweyne iyo Daarseyiyo, taniyo Booc-Yeyle

Bashka Ceelafweyn iyo dhulkii, belelku qiiqaayey
Bananka iyo aydaba markii, weerar lagu baadhay
Buuhoodle iyo laasku waa, baraq nuglaadeene

Beelaa Dhulmahantoo dhanbaa, laga baroortaaye
Habarwaa bayuurbaa ku taal, aan bogsi lahayne
Bootaan shirshoorii hadduu, bacadka jiifaaye

Burdihi Taleex waayadii, booge kuugu reebye
Maantana cirkuu kuula baxay, beretenkiisiiye
Shaydaan buraanlaynayaa, babaca kuu saarye
Batarkii Ibleys baad cayaar, bilicle mooddaye

Biya aad cabtaa kuu sanqadhay, badalli roorkiiye
Idinkiyo Bukaasaba cidlaad, dad uga baaqdeene
Bilaash baysu raacdeen addoon, bar isma dhaantaane
bakayle iyo Galaw baan rafiiq, baafiya lahayne

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com