Qoraal (Written)

 Baroor (Haye)

  W  a   h  a  n

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Markhaati Caddana

  W a h a n

   Baroor (Haye)

  Dhambaal

  Danbaa tidhi

  C a b s i

  Sideebaa

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
 

 Xalleef

 

 
 

  Habar Jeclo - Axmed Faarax

  Wahan (Haye)

  Gabaygan wuxuu ka mid ahaa gabayadii 1983kii uu Xalleef ka tiriyey Dagaalkii Haye ee Dhulmahante iyo ciidamadii xukunkii faasidka ahaa ee Afweyne ay ku qaadeen Habar Jeclo Galbeed. Wuxuu Xaleef si saadaalinayaa colaaddaasi inay ku danbayn doonto baryootan Dhulmahante iyo in laga rari doono Woqooyiga haddaanay toobad keenin taasoo dhacday 1991 kii.


Haddii uu dad wada yaal asuu, duunyo kala waayo
Qayb baa xumaatada waddoo, belo ku waartaaye
................. loo siman yahaa, wegenku soofaaye
Haddiise wegered laysugu lallabo, werisku caatoowye

Waxsaarka iyo hafriinyuhuba waa, waxan qarsoomayne
Wixii jiraba goobjoogyadaa, laga waraystaaye
Wacdi iyo waciid iyo sharciga, waa la aaminaye
Waxa maragga loogu cinbadaa, waadaxaa jidahe'e

Wanaagii qallooca u beddele, wiilashii bariye
Waddankoo ammaanay fidmada, walac ka oogeene
Wax la kala qaboojaba ma demin, wig iska siintiiye
Maantana wacdara qaatilaa madhiyey waabteere

Waayeelka Saaxdheer degiyo, wacane mooyaane
Wadaad talada lagu diiday iyo, weliyo mooyaane
Woqooyiga dhulmahantoow hadaad, waayo ku caweyso

Haddaan waaxidkaa caasideen, wacad idiin keenin
Haddii aan walluu idin makalin, weredka dhaarsiiska
Haddaydnaan warfaa Baynaxoow, wacad-furkaa eedin

Haddaan saxal wareegeysta iyo, Kawshax idin waalin
Haddaan cirirka soo waantiyaa, idinku soo weecan
Haddaan wahanka Naaf soommanaa, waaban degelkiinna

Haddaydnaan waraaq iyo sidii, waar ka fududaannin
Haddaan waranka aad looliseen, wiiqa idin goynin
Haddaan weerar xoogle iyo Gaas, wayrax idin boobin

Haddii aan widhiidhiga dabruhu, idinku weeedhaamin
.........................Sanaag, Walanqahaa ruugin
Haddaan wegedda Caymeed libaax, idin walaandeynin

Haddaan aar wisiisiyey ilkaha, idinku waaxyeynin
Haddii aan waraabaa togdheer, idinka waageeran
Hadddii aan waddiga goomman iyo, weere idin dhuuxin

Haddii aan waleecaad gorgora, warac idiin loogin
Haddaan waraqa Coomaadde lalay, idinku weesaaqin
Haddaan wabax dugaagiyo ku cunin, woofley iyo dhuuryo

Haddaan weer cad dumarkiinu xidhan, waajibka haweeenka
Haddaan weedhka duufaanka iyo, wiishku idin qaadin
Haddaan sida maxaabbiis la wado, la idin weetaynin

Haddaanad haadda geed weydayee, weehata ahaanin
Haddaydaan walaac iyo wahsiga, webin itaalkiinna
Haddaan welefsigii idinku noqon, sun iyo waabeeyo

Hadddaydaan harraadka u wadhminoo, wada dugaagoobin
Haddaa walax ka soo dhaansataan, waadiyada ceelka
Haddaan waytabaaqiinna iyo, weyddu kala saydhmin

Haddii aad waddada dheer martaan, waadhidaa hilinka
Warsangeli haddaan jiidahaa, magan gal weydiisan
Haddaydnaan waq-geriyaad kulayl, ugu wadeecoobin

Haddaydnaan warraaqii Taleex, waayihii mudannin
Haddaydnaan wadaadkii burburay, weheshan raadkiisa
Haddaan wegerdhac iyo diini, iyo waanbe idin gawdhin

Haddii aanu walaayadaha Xamar, Waqandhe kaa raafin
Haddii aan Wardhiigleey hawiye, idinku weyseysan
Werwer iyo haddaydnaan dhibiyo, wahan ku dheeraanin

Haddaydnaan wareer iyo qaxiyo, way ka bixi waayin
Haddii aan Walwaal iyo Wardheer, la idin weydaarin
Haddaydaan Wajeer iyo u kicin, webiga qoortiisa

Haddaydnaan Warrood iyo Aboow, Waaxidki u tuugin
Haddaydnaan wajaaliyo Berbera, weylaha u raacin
Haddaan waanadiyo daacaddii, idinla weynaanin

Haddaydnaan wayiga aad qubteen, waa danbe u baahan
Haddaydnaan walaal soo ergada, soo wacaal celinin
Haddaan werenweryadu noogu iman, hadh iyo Weylaalis

Haddaanaan dad kuma wiirsannee, wadarta sooryeynin
Haddaydaan waxaa ku hadashaan, weedha kari waayin
Haddaydnaan waqtifa fiirin iyo, waalifkii nabadda

Wixii shalayto idin soo maraa, wada illawdeene
Waydaan ahayn maalintaa, waxad is mooddeene
.......................baqaha wagac ka siisaane
Marka beladu idin soo waddana, ways cajabisaane

Weeysweyska dhiillada haddii, weriye soo qaysho
walbahaarka haddii uu habaas, wadhidu yeedheyso
Wadnihiinnu uma joogsan karo, waarta dhiidhidaye
Wax ka guro wedkiinnaa ku galay, waano sanaceede

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com