Caadleef (HJ):
Abwaanku wuxu gabaygan tirshey
dagaalkii Xargaga ka dib. Waxan soo sheegnay in abwaanku gabay
ka tirshey markii geel niman Reer Iidle u badani leeyihiin
lagala degey deegaanka Eexo, Garadag. Geelii waa laga dabategey
rag badanna lagu laayey hayeeshee geelii qayb ka mid ah ayaa
niman la duur-xuleen intii la isku haystay. Maalmo ka dibba
Maxamuud X. Ducaale Axmed Yare ayaa ciidan laxaad leh oo aan
hore loo arag xuliyey Qurjiilihii geela qaaday oo weerar toban
geesood ah ku dhuftay. Qayladhaantii Habarwaa waxaa hiil la soo
kacay Majeerteen waxaana la isku helay Xargaga iyadoo duulkaas
laga taabay 10,000 oo halaad dhowr boqol oo ninna ka go'een;
Caadleef gabay dheer oo uu halkaa ka mariyey waxaa erayadiisii
ka mid ahaa; Ma dhamma:
Laba qolo hadday
muranto oo maadi kala gaadho
Maroorkiyo qalloociyo
hadduu maaggu demi waayo
Hadba kooda muruquun
lehbuu Magacu raacaaye
Maambaa u yaal Muuse
Sheekh meelu joogaba'e
Lama mahadin nimankii
la dhigay madaxa yaaheele
Malyuumaad u dhimay
awadood oo muranla' weeyaane
Maqnaan waa qabiilkii
lahaa, Muuse iyo Nuure
Maadhiin Afdiinle iyo
shanlaa midigta loo diiday
Shekadaha intoo loo
marshoo laysu wada meershey
Milateri raggii wada
galoo muunadlaa sidaye
Iyo qaarkaloo
maagsinaan midi ka saydhayne
Ku muddayney guluf
miidhan iyo qaar habeen mira'e
Ku mar celinnay
duullaanka waysugu masayrnaaye
Maaxsiinnay guutada
mudhiyo geesi maahirahe
Ka mabsuudnay goortii
sidii maadha loo wadhaye
Seyid Maxamed baa nagu
ogaa maagsin dirireede
Dadkii noo
mashiiqsanahayiyo malihi beenoowye
Iska maydhnay ceebtii
haddana sida mandheereede
Maxamuud Garaadbaa ku
dhacay maarsaduu shidaye
Sanad qudha markay
muudsadeen muriyo deebaaqda
Miyirsade kuwii
dhiiggayaga malab u saarraaye
Haddaa loo
muctaadyahay nabaddii layska maanacaye
|