Home Gabayo Maqal Abwaan Halqabsi Halxiraale Taariikh
QORAAL
Rogaalkii Xargaga
Ka mabsuudnay
Ammaan Geel
 
 
 
 
 
 
 
Caadleef (HJ):

Abwaanku wuxu gabaygan tirshey dagaalkii Xargaga ka dib. Waxan soo sheegnay in abwaanku gabay ka tirshey markii geel niman Reer Iidle u badani leeyihiin lagala degey deegaanka Eexo, Garadag. Geelii waa laga dabategey rag badanna lagu laayey hayeeshee geelii qayb ka mid ah ayaa niman la duur-xuleen intii la isku haystay. Maalmo ka dibba Maxamuud X. Ducaale Axmed Yare ayaa ciidan laxaad leh oo aan hore loo arag xuliyey Qurjiilihii geela qaaday oo weerar toban geesood ah ku dhuftay. Qayladhaantii Habarwaa waxaa hiil la soo kacay Majeerteen waxaana la isku helay Xargaga iyadoo duulkaas laga taabay 10,000 oo halaad dhowr boqol oo ninna ka go'een; Caadleef gabay dheer oo uu halkaa ka mariyey waxaa erayadiisii ka mid ahaa; Ma dhamma:

 

Laba qolo hadday muranto oo maadi kala gaadho
Maroorkiyo qalloociyo hadduu maaggu demi waayo
Hadba kooda muruquun lehbuu Magacu raacaaye.

Maambaa u yaal Muuse Sheekh meelu joogaba'e
Lama mahadin nimankii la dhigay madaxa yaaheele
Malyuumaad u dhimay awadood oo muranla' weeyaane

Maqnaan waa qabiilkii lahaa, Muuse iyo Nuure
Maadhiin Afdiinle iyo shanlaa midigta loo diiday
Shekadaha intoo loo marshoo laysu wada meershey
Milateri raggii wada galoo muunadlaa sidaye
Iyo qaarkaloo maagsinaan midi ka saydhayne

Ku muddayney guluf miidhan iyo qaar habeen mira'e
Ku mar celinnay duullaanka waysugu masayrnaaye
Ku mayuugnay midig laabanbay, libi ka meertaaye
Maaxsiinnay guutada mudhiyo geesi maahirahe
Ka mabsuudnay goortii sidii maadha loo wadhaye

Seyid Maxamed baa nagu ogaa maagsin dirireede
Dadkii noo mashiiqsanahayiyo malihi beenoowye
Iska maydhnay ceebtii haddana sida mandheereede
Maxamuud Garaadbaa ku dhacay maarsaduu shidaye
Sanad qudha markay muudsadeen muriyo deebaaqda
Miyirsade kuwii dhiiggayaga malab u saarraaye
Haddaa loo muctaadyahay nabaddii layska maanacaye

 
 
MAQAL