QORAAL

  Calan-saar

  Boqorkayow

  Labadenna degel

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Cabdi Iidaan Faarax
Arab Title: Balligubale

Gabaygan wuxuu Cabdi (Ihun) ka tirshey colaaddii dhexmartay beelaha Sacad Muuse iyo Arab badhtamihii qarnigii inna dhaafay dagaalkaas oo ku fiday deegaanno dhawr ah oo Hargeysa ka mid tahay. Gabaygan wuxuu si gaara ugula hadlayaa degmada Balligubadle, fadlan gabayga soo sax soona dhammee.

Baligubadle waatad lahayd, baylah baan ahaye
Barkadii lagaa qoday miyaan, balagsi loo laacin
Bilcilkii lagaa jaray miyaan, Boqol Nin loo toogan.

Bar cosoba, bannaan iyo Afmeer, ban iyo ay doogle
Lo'dii budulka wayneyd miyaan, biidna laga waayin
Baabuur nin fuuloo ku maray, balalaf mooyane

Nin bilayska joogoo Askari, bixiyo mooyaane
Basar nin u talaabsada miyaan, baqo ku weynaannin
Reer Samatarkii boodsanaa, baydihii dhiga e

Barqa jabinnay Reer Nuux hadday, bilic lahaayeene
Iyagana Cismaanada burburay, waa badh kuma taale
Markii bacadka wayn la iska helay, burur Makaahiile

Bawdyaha ka jabe Reer Cabbane, booddadii hore'e
Dadka kale wuxuunbaw baxsaday, baaqina u noole
Waata itaalkii Bah Gobo, biidka loo rogaye

Buur lama tantoomoo gacmahu, waa ku bururaane
Hadaan Boqorku Reer adag ka dhalan, lagama baydheene
Anaa badan, anaa badan, ninkii Bad iyo Daad sheegta
Waxaan nahay buskii laacayiyo, boodhki fuuqsadaye.



 

MAQAL

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com