Dad la helay iyo Haaf dhimanki, aa noo hor marisene
 Haaway safara aad xornimo, hibo u siiseen
Aad weliba hees ugu darteen, haaya weligiine

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Hawiye & Isaaq
Doofaar iyo Ey
Jawaabti Majeerteen
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Cabdulle Raage Taraawiil (Abgaal)

Gabaygan wuxu Cabdulle Raage ku canaananayaa Beelaha Hawiye iyo Isaaq oo uu lee yahay waxa talo u dhiibateen dad  la helay iyo nasab dhimankii oo aad weliba WELIGAA HAY ugu darteen.
 
Haween iyo dad hooseyn jirey, kuma habboonayne
Hadoow iyo hunguri-sheegad iyo, baha hamuuneed
Dad la helay iyo Haaf dhimanki, aad noo hor mariseene
 
Haaway safara aad xornimo, hibo u siiseen
Habeen niman u soo jeedinbaad, hooya tirahdeen
Aad weliba hees ugu darteen, haaya weligiine
 
Markaasay hanbadi fuuqsadeen, ku hartay weelkiiye
Idinkana hormada laydin tubay, holac kaliileede
Nin midiidinkiisi u hagraday ma hubsan xaalkaase
   
Dadkaan aabbahood lama hubee habar wadaagta
Mid hujuun midna u hiili,  ay nagu halaageen
Waxa lagu hardamayaana waa, hilibka keenaa
 
Hobyo godan, Hargeysiyo Berbera, hobolka Booramo
Hareeraha Burciyo, Gaalkacyiyo, hawdka Xaradheere
Hiiraan iyo Mudug oo dhan iyo, heelka Xamar-Weyne
 
Heelkii Kismaayiyo intaas, Gedo ku heeraarta
Oo aad hibo u leedahay ayaa, hilaygu kuu yiille
Hayb iyo degaan iyo dadaan, hal isu kiin keenin
 
Ayaa inay hashii maamulaan, kula heshiiseen
Sow inaad garmaha hoorsataan, heerku mari maayo
Hawiye iyo Isaaqoow Allaa hodanahee weyne
 
Hilib aa ku rarateen Dhurwaa, waana huruddeen
Isaguna hammuun uu qabee, waa ka heensaday
Haddii looga haro waa gunnimo, hadal la'aaneed
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com