Marjafkii ninkii kaa jaree, marada kuu iibshey
  Markaad dheregto inad caydo, waa garac maqaankii
  Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee, wacal masruufaa
 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Hawiye & Isaaq
Doofaar iyo Ey
Jawaabti Majerteen
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Cabdulle Raage (Abgaal)
 
Gabaygan wuxu abwaanku ku ku burburinayaa Khaliif Sh Muxumadkii Majeerteen ee gabayga cayda kula ciiray qabiilooyin badan oo Soomaaliyeed. Cabdulle Raage, Allah ha u naxariistee, wuxu innoo iftiiminayaa dhagarta ay qoyskaasi ku wiiqayaan ummadda Soomaaliyeed isagoo weliba tibaaxaya waxyaabaha dhaqan-xumada ugu wacan oo uu u nisbeeyey nasabadooda oo xun;
 
Marmarsiinyo hadalkaagi, iyo meel ka dhicidaadi
Gabayadi macluusha u badnaa, maqallay Jaalloowe
Anigoon middaa iyo mid hore, kala micnayneynin
 
Haddaad meherad leeday waqtigu, waa ku soo maraye
Mindida daabka adigaa qabsaday, maalintii hore'e
Gobannimo mudnaanteed haddii, lagu mihiibsiiyey
 
Halkaan maamul loo siman yahay, ee mida ka dhawranay
Maandeeqdi noo curatay baad, maashay keligaaye
Annagoo minja-caddaadnay, ee nalagu maadeysto
   
 Meleg baas adinkoo nagu hayee, meydku tira dhaafay
Milliterigu waatuu saq-dhexe, kaa maroorsadaye
Macbuudkii na kiin dhaafiyaan, mahadinaynaaye
 
Mus ka soo dhac iyo caydu, waa meheraddiinniiye
Idinkoo marsaday xeeryaha, een marax idiin oollin
Haddana inaad maxlalo doontahaan, maanka ka arkaaye
 
Madax duub yaqaannaa xarrago, loo mir celiyaaye
Hanna milicsan Soomaalidaad, miirataan nahaye
Minyaro iyo minweyn laysla qabo, kala masayrkooda
 
Hadba tii maraadsiga bagtaa, marada tuurayso
Maslax xeerka-qoyskawgu filan, xaasas murankoode
Anigoo masuul qaran sidee, sharafya maamuusle
 
Dad maxaysato ah lama tirsado, oo masaafuray
Ayagaaba malagood galoon, madax bannaanayn
Maansada masala-gaabka, iyo mala carruureedka
Malxiiskaan mashxaradda u tumeen, marin abaalkeedi
 
Adigoo muruxsan oo qaawan, aa meel lagaa helaye
Maraay aa lagaa soo dejiyey, maalin duhurkiiye
Markhaatina waxaa lagu hayaa, maqalya taariikh
 
Adigoo maqaar bahalleh, iyo aadmi madixiisa
Markaan ku arkayaan kaa samray, oo kaa mural jabay
Murdisadi aad iga taabatay, aan mayray toban jeer
 
Marjafkii ninkii kaa jaree, marada kuu iibshey
Markaad dheregto inad caydo, waa garac maqaankii
Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee, wacal masruufaa
 
Ninka magaca Soomaliyeed, midabbaduu yeelay
Waa nimaan minhaaj iyo ku dhalan, meher xalaaleed
Oo aan mufti iyo hooyadii, macallin loo geyn
 
mugdi uu islaantii ku galay, muudal gudayaa
Mujrimyada munaafaqa fakaday, midigta siinaaya
Maqanaha iyo joogaha ra'yiga, meel ka wada taagan
Oo aragtidooduna mid tahay, kalana meeraysta
 
Mataanaha habeenkii u shira, murugo Soomaali
Haddaad mooddey inan moognahoo, marayo baaqiinnu
Marti kibirtey waa ba'an tahay, iyo magan carootaaye
Isa soo mutuxa waa waxaa, naga macaashtaane
 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com