QORAAL

Damaashaad
Dacwi
Dhuxul kulul
Cutub gabay
 
 
 
 
 
 

CAYDIID CUMAR GODANE (EDAGALE)

Gabaygan waxaa tiriyey Caydiid Cumar Godane markii Ciidagale guul kasoo hooyey dagaalkii Dheryo iyadoo canaan hore u taalay Ciidagale oo lalahaa side dheryo loogaga adkaaday oo aanay wax isaga celin Ciidagale balse waxaad moodaa inaan dadku jeclayn cadaalada waayo adduunyadu waa hadhkaa labadiisa gelinoo maalina adigaa leh maalina qeyrkaa waayo ilaahay baa sidaa ugu talo galay qaybtaa markaa sida gabaygaba ka muuqata waxaad arkaysaa inuu canaantii shalay daba joogo Caydiid oo uu leeyahay maantana maxaa la odhan waxaanuu ku bilaabay gabaygii.

1. Waayadanba gabaygii dayacay, dahabku saarraaye
2. Dambaab iyo cabsibaan kaga hakaday, lagu duloobaaye
3. Xaluun baa damtii dhexe hurdadda, lay dakaadhiyaye

4. Ka durduurta malabkaan ku daray, waa ka da’ayaaye
5. Raggan gabayga deelqaadaye,e naga dillaalaaya
6. Ninkastaaba door hays bidee, duugu waa anaga’e

7. Waxa Qawdhan loo daba socdaa, wuu ku daayimaye
8. Ana dawga kama weecin karo, deelka maansada’e
9. Hadduu dacaw adhyaha soo dhex galo, way ka diddayaane

10. Dayo waxay is moodaa ilkaha, daacuflaha aarre
11. Duulimahaba waa laga cabaa, daadse laga roone
12. Sidii roob diraac soo onkoday, waan darjabayaaye

13. Dayuuradaha samadaa laliyo, duullal baa sida’e
14. Dilikiyo cayaar baan is rogay, daartii sheikh yada’e
15. Dooyaysigaan labada law, daalay lalla yaabye

16. Dalkayaga barwaaqada heshiyo, dooga laga joogo
17. Nin waliba damaashaadkan dhacay, waa ku diirsadaye
18. Danwadaage iyo reer Mataan, duuda Nebi roona

19. Dadku wuxuu lahaa Ciidagale, dirirri maayaane
20. Ma dagaalankii buu tolkay, dogobo noolooyey
21. Dac ma jebinay waa tuu isaaq, dayro noo xidhaye

22. Waataa dabkoodii riyuhu, soo daldalayaane
23. Dadbasiyaaliyo guutada haddii, doollo laga keenay
24. Kolba haddii xaqii naga dednaa, nalaga soo doontay

25. Duudkiyo haday nagu galeen, dayrka dhinaciisa
26. Duunyada ba’ samane haddii, dibada loo saaray
27. Deerooy haday olosho waa, kama dambaystiiye

28. Yaa didiya geelayagu saw dacar qadhaadh maaha.
29. Sida darayo muuska dharkii. doy ka imanaayey
30. Dun carbeeda qaalmaha kuwii. daawasho u joogay

31. Ba’ dhulbahante way doonannayd. toban diraacoode
32. Daa’imada reer Fiqi Cigaal. duhur maloo heesay
33. Dulbaaxdoodda reer Jiisaw baad, daaqi ma lahayne

34. Duulkii ba Cawrala miyaa, daasad lagu laayey
35. Ma daleel banaan buu Kilaas daba dhurwaaleeyey
36. Ma shiil baan tumaatida dellegay, diilintii dhabarka

37. Duq gaboobay waa caadaddii, inuu dakaamaaye
38. Daymada indhaha waw janiyo, derejo waayeele
39. Duska harawo dooxada budhyare, subulo daacooda

40. Dayr iyo banaaniyo higlada, dabada yoocaale
41. Meeshiyo dar dheer waan naqaan, dawga loo maro’e
42. Waa noo diyaar qaalinkii ,daalinka ahaaye

43. Dibu rootiguunbaan ceshaye, diif anaa qabaye
44. Dusha inaanu kaa bixi sidii ,diinle waad garane
45. Miyaan idin dulmiyey saw raggii dayrta garanmaysid.

 
 

MAQAL