QORAAL

Damaashaad
Dacwi
Dhuxul kulul
Cutub gabay
 
 
 
 
 
 

CAYDIID CUMAR GODANE (EDAGALE)

Gabaygana waxaa tiriyey Caydiid Cumar Godane isagoo u jawaabaaya nin sacad muuse ah oo la odhan jiray Haybe Deyr oo gabaygii hore ee Caydiid Cumar ka soo jawaabay waxaanuu ku bilaabay gabaygii sidatan. Fadlan soo gudbi jawaabta hadaad hayso.

Waayadanba gabay loo dhintoo, dhiig leh maan tirine
Ma dhamaynin maansooyinkaan, dhaabadayn jiray e
Dhankuu sheegay mooyee afxumo, waan ka dhawrsaday e
Bal dhegaysta caawaan waxaan dhimayba faalayne.

Jeeroo dhawaaq laga nixiyo, dhiilo soo korodho
Jeerooy dhibtaydiyo arkaan, dhamacda baaruuda
Maadhiinku jeeruu ka dhaco, dhaaban xeradeeda
Jeeroo nin weyn dhuuryadiyo, dhidarka loo loogo

Dhafaruurta jeerooy gurtaan, dhabi ka hoosaysa
Oo inaanu dhuxul kulul nahay, dhegaha loo sheegin
Dhamaantiiba reer Nuux wuxuu, dhawrayuu heliye
Walee reer Gadiid nagama dhigo, dhaadashiyo faane.

Dhirta cobolo dhaantii casayd, dhagaxa maageeran
Dhaba iyo kuwii xaashiyoo, dhuubka ka idleeyey
Afartooda dhaadheer kuwii, dhuuxay reer maxamed

Ee jidhacle dhanaha uga shubay, haysku dhidhiyeene
Dhagoys iyo qoolkaa ciidagale, dhudi ku maalaaye
Horaa loogu dhaawacay kuwii, dhaaban weeraraye

Ha dhakhsado ninkii reer tolkii, dhawr ka helayaaye
Kolse haddii la dhuray guutadii, dhaanka raranaysay
Oo dhegato weynoow ratiga, dhoonta lagu qaato

Anigoo bilkuu soo dhaxoo, oon la dhugatoobay
Oo sida dhurwaagiyo libaax, dhaxanta meeraayey
Dhalin yariyo waayeel haddaan, dhemel usoo yaacno

Qoraxdoo dhalaal yara haddaan, dhacanta kaasaaro
Oon dhoonbirkii dananni jiray, idinku dhawsiiyo
Dhallawsigii iyo qaalmihii waa, dhabacsan doontaane

Gomod baan ku dhabanaaniyoon, kaa dhaguugsadaye
Dhaleecada horaan kuugu xidhay, dhagarta ceebeede
Intee dhebi cas noo ururriseen dhoorku kala seexday.
 

 
 

MAQAL