QORAAL

Damaashaad
Dacwi
Dhuxul kulul
Cutub gabay
 
 
 
 
 
 

CAYDIID CUMAR GODANE (EDAGALE)

Gabaygana waxaa tiriyey Caydiid Cumar Godane isagoo weli la hadlaaya Haybe Dayr oo gabaygii deelayda ahaa kasoo jawaabay ayaa markii Caydiid gabaygii dambe ee dha’layda ahaa kasoo jawaabi waayey markaa Caydiid gabaygan dambe ee caynlaydaa buu ka daba geeyay kii dha’layda ahaa waxaanuu yidhi. Jawaabtii Haybe Deyr noo soo dawi

Cutub gabay anaa muxumedoow, caalin ku ahaaye
Waayadanba waan caaseyee, layma celiyeene
Haddaan curiyo sida mawjadiyo, ceel ilaan ahaye
Aan calaasho bilistii hadday, cabasho dayn weyday.

Rahuba maalintuu soo cabbuu, coobbo kariyaaye
Cidana wuxuu dhawaaqaa intaa, caydhku da’ayaa
Kol hadday jidhaamuhu calwaan, ciidda waw halise
Caantayn ku naaxyow huguri, waa camaladdiinniiye

Qiso carabku kugu eemaray, baad cuudka dhiqi layde
Harag camadhle adigoo arkaan, lagu cilleeyeene
Nin cuwaaf doojiyiyo tolkay, kala culays roone
Qaalmaha candhada buuxiyee, cadarka moodayso

Caamir iyo Ugaas kooshin baan, cidi u noolayn e
Caanaha raggii fuudi jiray, kama casheeyaan e
Hadalkii cag-geel lagu dilaad, cidhifka haysaaye

Waa waxa cilmina kaan ogaa, coobahaw jaray e
Cuna qabashadaa bah indhayare, kaga cabsooteene
Caydhiba ma faanteen hadday, curaddo lee’daan

Caydhoodu jeeroow Berbera, ciirsi kala weydo
Cayuuntooda jeeroon hantiyo, hays cumbuliyeene
Ninoowna hayga caasiyin intaan colu qalqaalaayo.

 
 

MAQAL