Maxamuud Cali Fadal   

   |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Darandoorri
Indha Badane









 
 
 
 
 
Maxamuud Cali Fadal (HJ), 1900 - 1952

Maxamuud Cali Fadal, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa Qoyskii reer fadal oo ah Qoys ahaan reerka soomali ugu murti badnaa. Waa reer intooda badani gabyi jireen murti wax ku ool ahna maansada soomaliyeed ku soo biirshey.
Qorshe gabay Salaanbaa yiqiin amase qaynuune
Oo waatii iyana loo qariray Qoyski reer Fadal'e
................(Maxmud Saleban Hersi)

Maxamuud oo Colaad sokeeye ku naf waayey waxa uu gacan ka gardarani ku dishey dagaalkii sokeeye ee horraantii 1950kii dhex maray beelaha walaalaha ah ee HY &HJ. Waa colaadda uu ku qudhbaxay Halyeygii gabyaaga ahaa ee YAWLE oo safka hore kaga jira raggii Soomali ugu gabay-yahansanaa. Yawle iyo Maxamuud Cali fadal waa laysugu aaray oo labadaba gacan ka gar daran baa dishey aakhirona Ilaahii uuntay suaali doono.
Waxa maxamuud iyo Yawleba ku qudhbaxeen xarbi ahli ah oo in la xuso mudan si loo dareensanaado cawaaqib xumada ay leedahay colaadda sokeeye oo soomalida gaadhsiisa in wiil walaalkii dilo.
Waakii Yawle lahaa intaan la dilin
Ma maroodi baan habar jeclooy idinku maaweeshey
Ma Mooyaan idiin tumay gun waa loo mashxaradaaye

Gabaygan wuxu maxamuud ka mariyey colaaddii waagaas uu ku naf waayey. Isagoo tilmaamaya nin rag uu dabin la rabay ka baxsadeen oo duul aanu la doonayani dalaq yidhaahdeen buu tixdan ku maansooday.

Iyadoo markaa daran ka timi, daaqna lagu foofshey
Iyadoo kuraha Diinlayaal, xerada loo deyrey
Iyadoo Dereyseey markaa, laga daboolaayo

Iyadood durbaan mooddo, iyo daramalkii gaalka
Oo ay dig kaga siinayaan, Baarqabbadu doobta
Daandaansigii geelayaga laguma doonteene

Duhur lagama qaadeen halkay "daaqa" ku lahayde
Alamaanka doobsaday markuu doorki naga layey
Maxamuud Caloow dirir markii la iga deyn waayey
Ee aan daliishaday inay daacad tahay toodu

Yaa Daahireey muusannaw danan markuu yeedhay
Darandoori waw ridi jiree toban miyaan daadshey
Ma lixbaan daqiiqaha ka dhigay duubiyada xoogga
Ma labaatan wada diidayay dani ka soo reebtay

Nimanbaa dubbuhu igaga dhacay lamase doonayne
Caynaanshe Dalab baan lahaa degello naafeeye
Reer Weydkan dihinbaan lahaa dayrta ku casheeye

Danyaroow Xuseen iyo ma galay dabatadii Muumin
Hadii aanan reer Sugulle dilin daaco ii dhimanne
Iyagana durduurtaan ku heli doorka dabadeede


Gabaygan "Darandoorri" waxa ka jawaabay nin HY ah oo aannaan magaciisa hayn oo markii Maxamuud Cali HY ku baxay gabay tirshey ay ka mid ahayd;
Darandooriguu sheegi jirey, lagu danbaysiiye
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com